|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo Liyuu Boolis Ah oo Caawiyay Qoysaskii Ka Soo Barakacay Colaada Dhumay iyo Dareenka Xukuumada
November 8, 2018 - Written by Reporter:Laascaanood (WJN)- Ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shalay soo galay deegaano ka mid ah gobolka Sool ee Somaliland ayaa maanta deeq caawimo ah oo uu soo diray Madaxweynaha deegaankaasi Mustafe Cagjar u qaybiyay qoysaskii ka soo barakacay colaada deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool. Ciidamadan ayaa la sheegay in uu hogaaminayay Garaad Kulmiye oo kamid ah wafti ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida. Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ka hadal wax talaabo ahna ka qaadin ciidamadan Itoobiyaanka ah ee gudaha u soo galay deegaano ka mid ah Somaliland.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HJq_UemFwV4 Related posts:Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay 19 Qof Oo Cusub Laga Helay Coronavirus Iyo Tirada Ka Bogsatay Covid ... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo Caawa Kusoo Hoyday Magaalada B... falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii X... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|