|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqorka Sucuudiga oo Aan Soo Hadal Qaadin Dilka Wariye Jamaal Kaashuqji
November 19, 2018 - Written by Reporter:Riyaad (WJN)- Boqorka Sucuudiga oo khudbaddiisa sanadlaha ah ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sheegay inaysan jirin dambi dalkaasi laga gaystay oo aanan dadkii fuliyay la ciqaabi doonin. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in laanta caddaallada dalkiisa ay xaqiijin doonto caddaallada. Balse boqorka Sucuudiga ma aanu soo hadal qaadin dilka weriye Jamaal Kaashuqji inkastoo ay jiraan cadaadis caalami ah oo saaran Sucuudiga. Shalay ayay hayd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in warbixinta ay soo saartay laanta sirddoonka Mareykanka ay ahayd mid aanan dhameystirnayn isla markaasna ah horudhac. CIA-da ayaa sheegtay inay rumaysantahay in amarka lagu dilay Kaashuqji uu kasoo baxay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Boqorka Sucuudiga ayaa ku baaqay in la xalliyo dagaallada ka taagan dalka Yemen inkastoo dalkiisa uu gadhwadeen ka yahay duqeynta ka dhanka ah kooxaha maleeshiyaadka ee kasoo horjeeda dowladda Yemen. Related posts:Waa Kuma Wasiirka Ku Suntan In Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Uu Hanto Quluubta Bulshada Way... Daawo:Cali Khaliif Galaydh Oo Qiray Ahmiyada ay Joogitaanka Ciidanka Qaranka Somaliland U Leeyihiin ... Daawo: Fadeexada “Soomaaliya Ha Noolaato Xisbiga Kulmiye Ha Guulaysto”.Wasiirka Macdanta Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|