“Booliska Somaliland kama Turjumayaan Macnihii Iyo Ujeedadii loo Aas-aasay Iyo Dantii Uu Qaranku ka Lahaa”Gudoomiye Timo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Booliska Somaliland kama Turjumayaan Macnihii Iyo Ujeedadii loo Aas-aasay Iyo Dantii Uu Qaranku ka Lahaa”Gudoomiye Timo.
November 9, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee solla Maxamed Maxamuud Xaashi(Timo) ayaa dhaliilay hanaanka ay ushaqeeyaan ciidamada booliska Somaliland oo uu ku tilmaamay in aanay fulin waajibaadkii loo aas aasay ayna abuurayaan amni darro,

Ururka Qareenada Somaliland

Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland wuxu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

 

“Booliska Somaliland kama Turjumayaan Macnihii Iyo Ujeedadii loo Aas-aasay iyo Dantii Uu Qaranku ka Lahaa Dhisitaanka Haayad Boolis oo  Sugta Amniga Ummadda Reer Somaliland si Waafaqsan Dastuurka Qaran Jsl iyo fullinta sharciga taasi oo Macnaheedu tahay ku shaqaynta sharciga oo Kaliya,Balse  taasi Cakiskeedana oo ah haddii aan sharciga lagu shaqayn oo aan la Dabaqin la ixtiraamin qof ahaan loola dhaqmin sharciga shaqada ay boolislku qabtaan waxay noqonaysa nabad galyo daro,

 Haddii sharciga lagu shaqeeyo oo ay boolisku sharciga ku shaqeeyana waxay sugayaan nabad galyada qaranka oo waxay buuxinayaan waajibaadkii loo Aas-aasay.”

GUDOOMIYAHA URURKA QAREENADA SOMALILAND

MAXAMED MAXAMUUD XAASHI “TIMO”,

COMMENTS
LINKS