Ardey Ku Dhimatay Rabshado Ka Dhacay Jaamacad Ku Taalla Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ardey Ku Dhimatay Rabshado Ka Dhacay Jaamacad Ku Taalla Itoobiya
November 21, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Saddex ardey ah ayaa ku dhimatay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya kaddib markii rabshado ay ka dhaceen gudaha jaamacadda, sida ay ku warrantay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi.

Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Benishangul Gumuz waxaa ku dhaawacmay 34 ardey, sida ay sheegtay Hirut Woldemariam oo ah wasiiradda sayniska iyo waxbarashada sare ee dalkaasi.

Waxay ku eedeysay in dhibaatadan ay ka dambeeyeen ciidammo ay ku sheegtay inay kasoo horjeedaan isbaddallada ka socda Itoobiya.

Hirut waxay sheegtay inay jireen isku dayo ah lagu carqaladeynayo waxbarshada jaamacadda isla markaasna lagu hurinayay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha gudaha jaamacadda.

Waxay intaasi ku dartay in la sameeyay koox gaar ah si ay uga shaqeeyaan soo celinta nabadda.

Bishii Oktoobar ayay ahayd markii dagaallo u dhexeeya bulshooyinka dega Itoobiya ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 70,000 qof ay dagaallada ka barakaceen.

COMMENTS
LINKS