“Anigu Ma Jecli In Aan Noqdo Ninka Madaxwayne Muuse Joog Waad Qaldan Tahaye Ku Odhanaya”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anigu Ma Jecli In Aan Noqdo Ninka Madaxwayne Muuse Joog Waad Qaldan Tahaye Ku Odhanaya”Cali Guray.
November 11, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Caliguray oo kamida saraakiisha sar sare ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay siyaasada madaxwaynaha Somaliland iyo sida uu wax uwado isagoo xusay in sidii uu ina cigaal ula hadli jiray isna loogu sheegayo waxa uu ku khaldan yahay laguna odhan doono jog waad khaldan tahee,

MUUSE IYO CALI

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxun udhignaa Sidan;

“Nin Madaxwayne ah oo ninkii xigay ku yidhi: “WAAR JOOGO SOMALILAND SIDAA KU SOCON MAYSO EH” oo kale horta ma la hayaa? Cabdiraxmaan Tuur xataa markii Berbera la weerarayayna dhehoo maalin nin xigtadiisa ahaa oo hadlay oo yidhi “waar ka jooji ciidanka Somaliland sidaa ku socon mayso eh miyuu jiray? Maya dhe. Hadaba Muuse Biixina waa la odhan hadii maanta uu Madaxwayne noqday oo kuwo uga sii dhaw intay Cigaal isu jireen ayaa odhan hadii uu sidan ku sii wado eh ha deg degina. Laakiin anigu ma jecli in aan noqdo ninka Muuse joog waad qaldan tahaye ku odhanaya hadii Sacad Muuse nin kale laga helo oo ku dhici kara.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS