“Waanu Joojinay Wadahadalkii Soomaaliya, Mana Aqbaleyno In Aan Hadal Lasii Wadno Nin Maalin Walba Ku Mashquulsan Dib U dhacayaga”. Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waanu Joojinay Wadahadalkii Soomaaliya, Mana Aqbaleyno In Aan Hadal Lasii Wadno Nin Maalin Walba Ku Mashquulsan Dib U dhacayaga”. Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland
November 21, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somaliland ayaa mar kale ku dhawaaqday in aanay wada hadal la gali doonin Soomaaliya ilaa inta laga siinayo madaxbannaanida.

Wadahadalka labada dhinac u dhexeeyay oo dhowr waji oo hore soo maray ayaa waxaa gadhwadeen ka ahayd beesha caalamka, iyadoo dadaal loogu jiray inuu dhaco heshiis is afgarad ah.

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, oo maanta waraysi gaara siiyay BBC-da ayaa sharraxaad ka bixiyay hadalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Shalay Burco ka sheegay.

“Madaxweynuhu hadalka uu sheegay sidaas ayuu ku saxan yahay, waxaana kuu caddeyneynaa xukuumad ahaan in dowladda Farmaajo ay shaqo ka dhigatay iney maalin walba si badheedh ah u xaasiddo guulaha iyo horumarka Somaliland. Annaguna haddaan nahay xukuumadda Somaliland waan joojinay wadahadalkoodi, mana aqbaleyno in aan hadal lasii wadno nin maalin walba ku mashquulsan dib u dhacayaga”. Ayuu yidhi af-hayeenku.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Waxaan u sheegeynaa beesha caalamka inaan diyaar u ahayn wadahadalka laakiin aan iyaga ka wadi weynay maadaama ay mar walba faragalin ku hayaan masiirkeenna ayna dafirayaan horumar walba oo aan gaadhno, dagaalna nagu hayaan”.

Saameynta Soomaaliland uu ku yeelan karo iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Dhawaan madaxweyneyaasha saddexda dal ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay isku day lagu doonayo in xidhiidh dhow oo isdhex gal ah ay ku sameystaan.

Saameynta ay arrintaas ku yeelan karto Somaliland ayaa wax laga weydiinnay Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland.

“Annagu waxaan nahay Jamhuuriyadda Somaliland, dalkayagu wuxuu ku yaallaa geeska Afrika, waxaana ka mid nahay waddamada ku yaalla gobolka oo ay Jabuuti ku jirto. Madaxweyneyaasha kulmay iyo midnimada ay ka hadlayeen waa wax danohooda ah oo iyaga ka dhexeeya annaguna waxaan kala mid nahay dalalka kale ee gobolka”. Ayuu yidhi Af-hayeenku.

 

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS