Abiy Axmed: Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya Masii Yeelan Doonaan Mustaqbalka Saddex Madaxweyne | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abiy Axmed: Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya Masii Yeelan Doonaan Mustaqbalka Saddex Madaxweyne
November 11, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska  Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, sida laga soo xigtay  Eritrean Press (EP).

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, kuma soo darin hadalkiisa goorta loo cayimay inay midoobaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.

Madaxwaynaha Eriteriya Isais Afwerki, Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dr Abiy ayaa booqday magaalada Gondar oo uu ku aasanyahay madaxwaynaha Eriteriya awoowgiisa, saddexda hoggaamiye ayaa kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen waxaa ay uga hadleen dhaqaalaha, isdhexgalka siyaasadda Geeska Afrika iyo heshiiskii Asmara ay hore ugu soo saxeexdeen.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa baahiyay isbadalka uu horseedka u yahay ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana hoggaamiyayaasha saddexda ka dhaxeeya xidhiidh iyo iskaashiga dhinacyo badan leh,kaas oo isku soo dhaweeyay.

COMMENTS
LINKS