Yaa Asaasay Ama Dhisay Jaamacadii Ugu Horeysay Ee Dunida” Halkan Ka Ogow.W/Q: Fadxi Garaad Ciise. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Asaasay Ama Dhisay Jaamacadii Ugu Horeysay Ee Dunida” Halkan Ka Ogow.W/Q: Fadxi Garaad Ciise.
October 13, 2018 - Written by Editor:

 “Fatima Bintu Mohamed Al Fihriyi Al Qurayshiyi” waxay ahayd shakhsigii ugu horeeyey ee Aasaasay Ama dhisay Jaamacadii Ugu Horeysay Ee Dunida Lag Hir geliyo

Dhismihii Jaamacada iyo Masjidkii ay dhistay Fatima Alfihiriya Waxaa Maanta loo yaqaanaa ( Jamacatul Qurawiya) Jaamacada Qurawiyiinta, Jaamacadu waxay ku taalaa Magaalada (Faaz) Ee dalka “Morocco” ?? Marooko, jaamacadan maanta waxaa wax ka barta dad ka kala yimid dunida daafeheeda.

fatima firhiya

Fatima Alfihriyi waxay ahayd Gabadh aad u yar kadib markii ay reerkoodu ama qoyskoodu usoo guureen magaalada (Qayrawaan) ee dalkaasi Marooko, iyadoo muddo ay la noolaayeen iyada iyo qoyskeeduba dadka Qurawiyiinta ah, xiligaasina waxa ahayd markii uu xukunka hayay ( Idiriz Zhaanni) Idiriskii 2aad, Fatima Waxay kasoo jeedaa durriyada ( Cuqba Ibnu Naafica Alfihriyi) oo reer quraysh loo nisbeeyo, Wana Ninkii Furtay ( Tunisia) ?? Tunuusiya oo ku taal waqooyiga Afrika iyo Magaalada Qayrawaan.

Kadib Fatima Waa ay guursatay iyada iyo ninkeedu waxay noqdeen Dad Tujaara Ama Taajiriin ah, Muddo yar Kadib Ninkeeda iyo Aabeheed ayaa geeriyoodey, Fatima aabeheed waxa uu dhalay iyada iyo Inan kale sidoo kale waxa uu ahaa Taajir Ama Maal qabeen, waxaanu aad ugu dedaalay Tarbiyadayntooda, Fatima Aabeheed waxay ka dhaxashay Hanti Aad u badan, waxaanay go’aansatay in hantidaa Ay muslimiinta ugu ballaadhiso Masjidkii ay ku tukanayeen oo cidhiidhi ahaa, waxaanay masjidkii u iibisahay dhul aad u baaxad weyn, isla markaana ay u dhistay xilligii ay dhismaha bilowday, waxaa lagu gudo jiray Bisha (Ramadaan) Sanadkii “245” Hijriya”.

Fatima waxay ballaadhisay dhismihii Masjidka Aadna U qurxisay waxaanay Dhistay Dhismihii Jaamacada oo Masaajidka Ku lamaanaa Isla markaana Ay ugu talo gashay inay dadku wax ku bartaan, kadib markii ay dhismihii Weynaa ee quruxda Badnaa ee isgu jiray masaajidka iyo jaamacada Soo gebagebaysay waxay U sujuuday Alle ( SW) Una Mahad celisay iyadoo Qiiraysan, Kadib fatima Waxaa lagu Naanaysay ( Ummul Beniin) waxaana naanaystaa loogu bixiyey Sadaqadii Badnayd ee ay bixin jirtay, Jaamacada Alqarawiyiin, waxay jaamacadaha “Oxford iyo Cambridge” Oo maanta dunida ka caana Ka horeysay Muddo dhan 300- sano. Jaamacdii ay dhistay Fatima Alfihri Dadkii Ugu Caansanaa Ee ka qalin jebiyey waxaa kamid ahaa ( Jones Leo Afrikanus) o ahaa siyaasi caana oo xilligaasi noolaa, buugaagtii uu qoray “Leo Afrikanus”Kuwii ugu caansanaa waxaa kamid ahaa Buugii La odhan jiray ( Descrittione Of Africa).

Waxaa isna sidaasoo kale Jaamacadan Ka Aflaxay ( Mohamed Al Idriz Al Qurdabi) oo ahaa Ninkii Ugu Horeeyey Ee Nashqadeeyey Ama Sameeyey ( Map Of the World) Maabka Dunida.

Hadaba Jaamacad Qurawiyiinta Waxaa wax Lagu Baranayey Muddo Aad U fog Waxaana Wakhtigan Dhexyaalla buugaag qadiimi ah, oo muddo Badan Halkaasi lagu hayey, waxaa jaamacadaas kasoo burqaday Cilmi Islaamka iyo Reer galbeedkaba wax weyn u taray.

Qalinkii: Fadxi Garaad Ciise

COMMENTS
LINKS