Xusbiyada Somaliland waxay noqdeen shimbiro midba dhinac ay doonto u duushay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xusbiyada Somaliland waxay noqdeen shimbiro midba dhinac ay doonto u duushay
October 24, 2018 - Written by Reporter:

Xusbiyada Somaliland waxay noqdeen shimbiro midba dhinac ay doonto u duushay markii distoor wadan oo lagu dhaqmaa meesha ka baxay.

Laga soo bilaabo Xukuumaddii uu Madaxweyne Siilaanyo ka xanuunsaday ee u gacangashay dadka aan la dooran waxaa banaanka loo tuuray Distoorkii wadanka iyo ku dhaqankiisii. Waxaa ka ratibmay is fahan group oo qaldan kasoo ogolaaday in Guurtidu lumisay habsocdkeedii isuna bedeshay urur dhalinyaro markii dhaxaltooyo laga dhigay oo ay ka buuxaan caruur aabo hood uga dhintay Kursi. Waxaa meesha ka baxay dhaqankiisii Baarlamaanka oo goaanadii sharci Qiimo jaban madaxtooyadii Siilaanyo ku iibsan jirtay. Waxaa bilaabantay in si toos a loo iibsaday dantii guud oo dhan oo laga dhigay wax loo bedelo lahaansho shakhsiyeed oo dadkiina qabaail loo qayb qaybiyey si aan isku duubni wadaniyeed meel a uga muuqan, lana isku khuukhiyey ilayn I lay shacab aan dawladnimo fahansanay saboolnimona dhafoorada qalajisay. Waxaa dhacday in institutions kii isu bedelayaa sidii shirkado shakhsiyaad leeyihiin oo waxa ka soo baxaa badankeedu accounts xawaalad eed oo qof leeyahay ay ku dhacaan. Taasi waxay markii dambe keentay in doorashadii ku subusho noqoto si aan looga daba tegin dadkii dalka boobkan ku sameeyey sidaa a ay muuqato in imika madaxweyne Muse Biixi uu wax uu sameeyo garan layey albaabkiina hoosta ka xidhay. Dadka madaxda ah ee tirada yar ee arkaana ay soo sheegeen in aanuu talo kasta meel uu mariyaa jirin oo wax hortaagan yihiin isbedel kasta.

OO uu wax maagan yey ay jiraan. Waxaana soo baxday inuu buur reerkoodu deggan yey madaxtooyadii u rarayo taasoo dadka siyaasadda mashqaceeyaa ku macneeyeen inay tahay DIB U GURASHO CEEL DAGAAL oo Somaliland ay soo muuqato in DAGAALO Ahli ku soo fooleeyihiin durbana Ciidamo Jabhadeedna samaysteen.
XISBIYADII WAXAY NOQDEEN SHIMBIRO MIDBA MEESHA DOONTO U DUUSHO SIDAY DOONTO U CIDO WAX DISTOORA OO LA ILAALIYO OO U DHEXEEYAANA MA MUUQDO. WADANKII DAGAAL QABAAIL BAA KA SOCDA OO CID SIR DOONA OO DAWLADEED OO BAADHID KU SAMEEYA WAXAY BOQOLAALKA QOF U DHIMAN AYAA KASOO WAR BIXIYAA MA JIRAAN (officially) si ka hor tag loo sameeyo dagaalada soo socda.
Sidaa NA waxaa u aabo ah ummaddu markay aragtay in Distoorkii wadanka la laabay oo in yari si gaara ugu shaqaysato qof walba qalbigiisii wadaninimadii way ka baxday waxa dhacaya qof walba wuu arkayaa. ITAAL darada wadanka ka muuqataa waa wadaninimadii iyo caddaaladdii oo la dumiyey. Waxaa MUUQATA markii reer QUDHI yidhi a aa xaakima aanaa Ciidamadana haysta, anaa madax weyne anaa madaxtooyadii iska leh anaa meel walba oo mihiima jooga I dawaada taasi dawladnimadii ummadda way ka fara baxday oo quad Ummadeed ma jirto, Xisbiyo ma jiraan waa magac, wax kasta oo ummaddu wada qiimaynta jirtay way lumeen. Dhibaato weyn baa jirta oo Joogta iyo dawladnimadii oo xiddidada loo saaray. Boobka danta guud ee Somaliland ka dhacay xilligii Xukuumaddii uu ku xanuunsaday Madaxweyne waxaa bilaabmay (GANGS ACTIVITIES) OO SI BUDHCADNIMO AH U BOOBAY WAX KASTOO DANGUUD AHAA, MAAL BADAN OO WASAARADDA MAALIYADDA TEGILAAHAANA IYO QASNADAHA DAWLADDA HOOSE AY KU DHACEEN SHAKHSIYAAD JEEBABKOODA RAADKIINA WADA JIRO IYO ACCOUNTS KU DHACEEN ILLAA YAW ANAA HADAA (Gangster) giina weli gasaradooda iyo Hotels ka ka sheekeeyaan cid xaggooda weli u jeedana lama arko. Runtiina ummaddoo dhan Bay dhaceen ee reer gaara may dhicin. Xukuumadda Muse Biixi hadday nabarada wadanku u taahayo daweyn weydo hubaal wadanku wuu u dhimnayaa boogahaa ummadda u wada muuqda.
Xukuumaddii uu Mafaxweyne Siilaanyo ka xanuunsaday ka hor ummadda reer Somaliland waxay qiimaynta jireen wada lahaanshaha wadanka, waxay qiimayn jireen oo ku shaqayn jireen ka noqashada ka noqashada ISKU DARKII AY SOMALIA 60KII SAMEEYEEN, waxay naawili jireen Istiraafka iyagoo wadajira oo isku kalsoon, waxay qiimayn jireen nabadda Somaliland oo ah ta Suurto gelisay inay Al shabaab iyo wax kasta Somalia ka dhacayaa aanay Somaliland foodda soo gelin karin, waxay qiimayn jireen Caddaaladda wadanka laakiin maanta waxay noqdeen sidii QUDHAANJO SUNSUMAYSA OO CUNTADEEDII SIDATA OO BUDH TUSHA LAGAGA DHUFTAY OO MIDHIBA MEEL U CARARTAY.  UMMADDA REER SOMALILAND HUBAAL WAY DAWAKHSANTAY DAGAALO QABAAIL, JABHADO, XUKUN LA KALA SHEEGAY OO LA KALA BOOBAY, MUSUQMAASAQ BAAHASAN, NIN SHARCIGA IYO ASKARI U QABANAYO IYO NIN AANUU QABANAYN. waxan oo wada runi wax wada jira oo (solid), Dawlad ficil ay wax ku qabanaysaa ma muuqato ee hadal hawada gala ayaa wadanka ka jira. Suaashu waa bal aynu EEGNO xagga Somaliland ku socoto.
MBashe (Meerkat)
COMMENTS
LINKS