Xukuumada Somaliland oo Ka Digtay Duufaano Ku Soo Wajahan Gobolada Bariga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Ka Digtay Duufaano Ku Soo Wajahan Gobolada Bariga
October 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu shacbka Somaliland gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobolada Sanaag iyo Saaxil ugu baaqay inay ka digtoonaadaan duufaanta Lubnaan ee ku dhufatay badweynta Hindiya oo ku soo wajahan goboladaasi.

Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa waxa kale oo uu shacabka ku dhaqan goboladaas uu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada ah iyo agaarka badaha isagoo dhinaca kale ugu baaqay masuuliyiinta wasaarada Beeraha ee ku sugan deegaanadaasi ay bilaabaan barnaamijyo wacyi gelin ah oo 24-ka saacadood ee soo socda uga digayaan laga cabsi qabo in ay duufaantaasi ku dhufato

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS