Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhaliilay Siyaasada Maamulka Farmaajo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhaliilay Siyaasada Maamulka Farmaajo
October 16, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Siyaasadaha ay isticmaaleyso dowlada Soomaalia ee uu Hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay saaran tahay mas’uuliyad gaara oo la doonayo inay ku xaq dhowraan mas’uuliyiinta ku jira Siyaasada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in madaxda dowladda hadda jirta looga baahan yahay inay la imaadaan Siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto mucaaradka.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxda dowlada Soomaaliya ay aad u diidan talooyinka iyo dhaliilaha loo jeediyo.

Waxa uu ku taliyay in madaxda ay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay, wixii ay ku hormartayna lagu amaano.

Waxa uu sheegay in ayna wax xun aheyn hanaanka mucaaradnimada, loona baahan yahay in dowladda loo sheego hawlaha ay ka gaabisay, si ay hore ugu sii socoto.

“Dadka xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda”

“Waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah, waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqraadi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”. ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

COMMENTS
LINKS