Weerar Dad Badan Ay Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerar Dad Badan Ay Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka
October 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa magaalada Pittsburgh ee dalka Mareykanka lagu dilay 11 qof kaddib markii qof hubaysan uu rasaas ku furay macbad Yuhuudda ay ku cibaadeysato oo halkaasi ku yaalla.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen werarkan oo uu ku tilmaamay mid si naxariis darro ah oo aan kala sooc lahayn loo fuliyay.

Ninka weerarkani geystay ee looga shakisanyahay ayaa lagu magacaaba Robert Bowers oo 46 sano jir ah, hada waa dhaawac oo waxaa lagu dabiibayaa Cisbitaal halkaasi ku yaalla, sida ay booliska xaqiijiyeen.

Boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Pittsburgh iyo magaalooyinka u dhowba ayaa isku yimid si ay ugu duceeyaan dadkii ku dhintay weraarkaasi.

Sophia Levin, oo ka soo jeeda Pttispurgh ayaa BBC u sheegtay in dadka ay aad uga cadhoodeen dhacdadani balse ay hadda u muuqato inay doonayaan in arrintan loo wajaho si wada jir ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu booqan doono magaladaasi ka dib markii uu dhacay weerarkan ay ku dhinteen 11-ka qof.

Waxay ahayd maalinta ugu mashquulka badan ee dadka Yahuudda ah ee magaaladaasi ku nool, wa ay cibaadeysaneyeen waxayna qabeen xaflad ay ugu magac bixinayeen canug yar.

Sida wararka ay sheegayaan, ninka lagu tuhunsanyahay inu weerarka geeystay oo ah nin cadaan ah ayaa ku dhawaaqaayay hadallo Yahuud naceyb ay ka muuuqato.

Raii’sal wasaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inuu aad u niyad jabay aadna uga murugooday arrintan.

Muqaal laga soo duubay ayuu ku sheegay Mr Netanyahu in murugada uu la qeybsanaayo dadka Amerikanka ahi.

Sidoo kale, Raii’sul wasaaraha dalka UK Theresa May waxay sheegtay in ay aad uga naxday weerarkan lagu tilmaamay inuu salka ku haayo dambiyada naceybka ku saleysan.

Raisul wasaaraha Canadan wuxuu sheegay in dadkiisa ay murugada la qeybsanayaan Yahuuda Pittsburgh.

 

Source: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS