|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirrada Dalalka Ku Jira Ururka Islaamka oo Markii U Horraysay Muqdisho Ku Shiraya
October 26, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa barito ku shiri doona magaalada Muqdisho. Waa markii koobaad ee Soomaaliya ay martigaliso shirkan wasiirrada arrimaha dibadda tan iyo markii la billaabay 1972. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa wadiiqooyinkii lagu dhiiri galin lahaa nabad waarta iyo sidii salka loogu dhigi lahaa dawladda Soomaaliya. “Dawladda Soomaali waxay ka mid ahayd dalalkii aasaasay Ururka Iskaashiga Islaamka waligeedna maqaam sare ayay ku lahayd agendeyaasha ururka, IOC-na wuxuu si joogto ah kaalin uga gaysan doonaa sidii nabad iyo xasilooni looga dhalin lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo habab kala duwan adeegsanaysa.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|