|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud oo Beeniyey Warar Laga Faafiyey Biriijka Wayn ee Hargeysa
October 4, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland ayaa waxa ay beenisay warar laga faafiyay Biriijka wayn ee magaalada Hargeysa kaas oo ku saab sanaa in uu dhaawac wayni soo gaadhay mid ka mid ah rukunada uu biriijkaasi ku taagan yahay. Wasiirka wasaarada hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale “Qambi” oo safar ugu maqnaa magaalada Boorama islamarkaana galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa booqday Biriijkaasi iyadoo ay booqashadaasi ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Wasaarada hawlaha guud. Agaasimaha dhulka ee Wasaarada Hawlaha Guud Maxamuud Maal oo ugu horayn goobta ka hadley ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin warka laga faafiyay Biriijka. Wasiirka wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale “Qambi” ayaa waxa uu isna sheegay in Briijka iyo Biyihii hoos marayay cidhiidhi la geliyay, Isagoo dhinaca kale shaaciyay in la qodayo oo dib habayn lagu samayn doono Biriijkaaasi, waxaanu fariin adag u diray Shirkada Isgaadhsiinta Telesom oo sheegtay in ay xadhko u maranaa dhinaca laga qodayo Biriijka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|