“Wasiirka Arimaha Dibaddu Waxaad Moodaa, Inuu U Haysto In Imaaraadku Ay Somaliland Wax Siinayaan Somaliyana Ka Jecel Yihiin”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasiirka Arimaha Dibaddu Waxaad Moodaa, Inuu U Haysto In Imaaraadku Ay Somaliland Wax Siinayaan Somaliyana Ka Jecel Yihiin”Cali Guray.
October 12, 2018 - Written by Editor:

DP WORLD IYO BERBERA!

(Sacadow: Haddaan Magaceedu Dantoodu Higaadin Berbera May Soo Hadalqaadeen)Cali Guray.

DP World gartay. Anigoo mucaarid ah oo ka soo horjeeday xukuumadii Kulmiye ee hore ayaan Mashruuca Balaadhinta iyo Horumarinta Dekedda Berbera( MBHDB) taageersanaa. Kuwo yar yar ayaa intay googooyeen clip ay heleen anigoo ka hadlayay Saldhiga Milatariga oo aanan fahmin waxay Somaliland dhaafsatay sharciyaddisana durayay iyo Clip kale oo ahayd maalin dhawayd oon Berbera joogay oon Maaraynta Dp World ee dekedda ka hadlay  ayay fbga soo dhigeen intay isu googooyeen “Caligurey Shalay iyo Maanta” Saldhigii milatarigana waxay ka dhigeen inaan ka hadlayay MBHDB oon ka soo horjeeday markii uu Silanyo Madaxwaynaha ahaa laakiin aan taageeray markii uu Muuse Madaxwaynaha noqday. Anigu labada arin halkii aan ka taagnaa ayuun baan ilaa haddana ka taaganahay.

DP24

Shalay ilaa doraad sheekadu waxay ahayd dekeddii berbera oo 400 oo mitir lagu darayo iyo munaasibaddii dhagax-dhigga oo Berbera lagu qabtay doraato Madxwayne-xigeegeenkuna goobjoog ahaa shalayna Qasriga Madaxtooyada lagu qabtay oo Madaxwaynaha Js uu goobjoog ahaa. Labada munaasibadood anigu midba dadkii lagu casumay ee goobjooga ahaa maan ahayn laakiin intii aan warbaahinta ka helay iyo dadkii ka qaybgalay warkoodii ayaa igaga filan oo marka hore waa guul. Marka xiga halka masharriicdan waawayn laga fulinayaa waa Berbera oo xaaladeeda aan indhahayga ku soo arkay oo xeeb ah xataa laydhtiriig hagaagsan aan lahayn la socoo ninka waxan oo mashaariic ah kala deberayaana waa Wasiirka Arimaha Dibadda oo degaan ahaan reer Berbera ah. Waan hubaa hadii aanu isagu hagranayn in uu ku qancin karayay Dp World iyo dawladda Imaaraadka in ay il gaar ah ku eegaan dadka magaalada Berbera iyo degaankeeda oo ah halka doonayaan inay ka fuliyaan mashaariicdan si ay u kasbadaan maskaxahooda iyo qalbiyadooda hawlaha ay Imaaraadku ka wadaan Berberana loo fahamsiiyo in cidda ugu horaysa ee ka faa,iidaysan doonta ay yiihiin dadka ku nool Berbera.

cali-guray

Wasiirka Arinaha Dibaddu waxad moodaa inu u haysto in Imaaraadku ay Somaliland wax siinayaan Somaliyana ka jecel yihiin sidaa daraadeed in lala hadlo iyo in wax loo waydiiyo Berbera ay qalad tahay. Warshad laydh wax ay la tahay Imaaraadku ma jirto. In ariku dano yahay eenu jacayl iyo nacayb iyo wax isu ahaansho ahayn waxa garatay habartii weligeedba arbacada shaadaliga Cabdilqaadir Jaylaani karin jirtay ee maalintay gurmadkiisa u baahatay tidh: hayaa Cabdilqaadir hareer qabo awrka

BERAA HABAR GUURTAY

HAYAAN RARAYGEEDA

CULAAB IYO HAAMO

WAXAY JAQAF HAYSAY

MARKAY KU HAM SIISAY

HIYEEYDA GARSIIBKA

MARKUU HOLLAN WAAYAY

AYAY HINDISKEEDA

HALAANHAL KU KEENTAY

MID AAN KOLLA HAABKA

MARKAA LAGU HAYNIN

 

WAXAY TIDHI HOOGAY

HAYAAY CABDILQAADIR

HAREER QABO AWRKA

MARKUU HAYINKEEDI

HAGAAGA ISU TAAGAY

AYAY TIDHI HAAKAH

 

HIBLOO GABANTEED AH

HILAWNA BESTEEDA

MALAA U HANWAYNA

KARAAMADA HIILKA

WADAADKA HOGIISA

KA SOO HANGALAYSTAY

SIDUU UGU HIISHAY

AYAA TIDHI HOOYO

MUXUU HORTA SHEEKHU

INOO YAHAY HABTA?

 

WAXAY TIDHI HOOYO

MARKUU HAYNKEENU

RARKII HINJIN WAAYAY

AYAAN HURIWAAGA

HALEEL CUSKADAAYE

HABEEN MA WADAAGNO

HADDAN MAGACIISA

DANTEENU HIGAADIN

MA SOO HADALQAADO

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALIGUREY)

COMMENTS
LINKS