War Deg Deg Ah; Jaamac Shabeel Oo Ciidamo Ka Hor Istaageen Xarunta Xisbiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Jaamac Shabeel Oo Ciidamo Ka Hor Istaageen Xarunta Xisbiga Kulmiye.
October 6, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga xaakimka kulmiye Jaamac Maxamed Cige (jaamac shabeel) Oo Dhawaan Xubnaha fulinta ee xisbigu sheegeen in ay xilkii ka qaadeen kadib markii uu Khilaaf xoogani soo kala dhex galay madaxwayne muuse bixi wallow uu jaamac shabeel ku gacan saydhay xilka qaadistaasi kuna tilmaamay in aanay sharci ahayn isagoo ku baaqay shir in ay maanta iskugu yimaadaan golaha dhexe ee kulmiye kuwasi oo ku balansanaa xarunta  ayaa ciidamo ka hor istaageen in uu galo gudaha xarunta xisbiga.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Gudoomiye jaamac shabeel ayaa  waxay ciidamadu Ku war galiyeen   in ay amar ku haystaan in aanu galin xarunta xisbiga waxaana halkaasi ka noqday jaamac shabeel iyo xubnihii la socday

Ma jirto xisbiga iyo garabka jaamac shabeel mid wali dhankiisa ka hadlay dhacdadan.

Xarunta xisbiga kulmiye ayaa saaka aroortii hore  lasoo dhoobay ciidamo kala duwan oo iskugu jira kuwa wardoonka iyo ciidamo boolisa.

Wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews,net

HARGAYSA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS