War Deg Deg ah; Dagaal Culus Oo Caawa Tukaraq Ku Dhex maray Ciidamada Somaliland Iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puthland+Khasaaraha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah; Dagaal Culus Oo Caawa Tukaraq Ku Dhex maray Ciidamada Somaliland Iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puthland+Khasaaraha.
October 8, 2018 - Written by Editor:

TUKARAQ(W,N) Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore  Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool  ayaa caawa fiidkii waxaa weerar kusoo qaaday ciidanka maamul goboleedka somaliya ee puthland kuwaasi oo uu  dagaal culus oo socday saacado iskaga horyimid.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Wararka aanu ka helay Deegaanka  tukaraqa ayaa noo xaqiijiyay In dagaalkani sobobay khasaare dhimaso iyo dhaawacba leh

ciidamada Somaliland ayaa  iska caabiyeen weerarkan lagu soo qaaday iyagoo khasaare culus gaadhsiiyay ciidamadii maamul goboleedka puthland ee kusoo qaaday duulaanka.

Sidoo kale  ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay ka qabsadeen gadiid dagaal iyo hub waxaanay intaas ku dareen wararku in ay gadhsiiyeen khasaare kale oo dhimasho iyo iskugu jira maxaabiis dagaal ay ka qabsadeen ciidamada qaranka Somaliland ee fadhiisin koodu yahay deegaanka tukaraq.

Deegaanka tukaraq ayaa xiligan xaaladiisu dagan tahay wallow ay ka jirto saan saan colaadeed.

Wixii  war ah ee kasoo kordha dagaalkan kala soco wararkeena danbe.

Wajaalenews desk

 

 

COMMENTS
LINKS