|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakhtiga Xirsi Si U Arkayay Aniguna Si kale Ayaan u Arkayay. Kani waa mid ka Mid Ahaa Maqaaladii Taxaneyaasha Ahaa Een ka Qori Jiray)Cali Guray.
October 29, 2018 - Written by Editor:“Madaxwaynihii Ugu Liitay Ee Xukuumadiisu Ugu Musuq Maasuqa Badnayd Uguna Eexda Iyo Qaraabo Kiilka Badnayd Taariikhda Somaliland,”Siyaasi Cali Guray. JAR-KA-XOOR MUXUU YIDH? Wasiirka madaxtooyadu wuxu yidhi: “mucaaridku markay waayeen waxay ku caaridaan xukuumadda waxay gaadheen inay caaridaan horumarka dalka ka socda”, hadalkani waa mid lagu qiimayn karo wasiirka shakhsiyadiisa, garshadiisa, bisaylkiisa siyaasadeed iyo weliba isla waynaanta iyo halka uu isla joogo oo runtii in lagu la yaabo aan ahayn waayo awoodo aan xad lahayn ayuu wakhigu siiyay oo waa mukulaal milinkeed joogta oo mici libaax leh. Inanku wuu lunsan yahay oo wax aanu geyin oo u qalmin ayaa la isugu daray. Dabar iyo hogaan midna ma leh, dabaysha ayaa sidata oo waa calooshii la ciyaar. Intii uu jiray xafiis dadwayne waa kii ugu horeeyay isaga na aqoon iyo karti midna kumuu helin. Lakiin daa wuxu ku dambayn, dhaaxaa gadaal la isla tebay wiil galbaday jeere. Madaxwaynihii ugu liitay ee xukuumadiisu ugu musuq maasuqa badnayd ugu na eexda iyo qaraabo kiilka badnayd taariikhda Somaliland ee ugu doorashada xumayd miyuu leeyahay wax lagu dhaliili karo ma leh?, mise aniga ayaan fahmin eh waa ba guubaabin mucaaridka ah. Dunida halkee lagu arkay xukuumad aan wax dhaliilo ah lahayn. Hore looma sheegin lakiin isagu wuxu inoo sheegayaa in ay tahay xukuumadii dunida ugu horeysay ee aan haba yaraato eh wax lagu dhaliili karo lahayni inay tahay tan uu madaxwaynaha ka yahay adeerkii Axmed Silanyo. MIyaan hadalka wasiirku ku xasuusi nayn, HAYLAHA KA YARA DHACAY HURDONA WUU ISKAGA JIRAY INTUU SOO HAMBAABIRAY KUYEE HEELIYOY TOOS IGA EEG KOR IYO HOOS MIYAAN HOOLIF MOOYEE HAL TURXAAN AH LEEYAHAY? HA KA YAABIN BAY TIDHI Wasiirku wuxu ka mid ahaan jiray koox diimeedkii Al Itixaad oo markii uu burburay hada na kooxi ba koox u soo dhiibtay hadda na wuxu ka tirsan yahay mid ama laba urur oo madaxtooyada Somaliland wakiil uga yahay. Miyaan la odhan karin waa basaas inagu dhex jira? Mida kale isla hadlkiisani miyaanu ka marag kacayn in uu yahay beenaale mise kitaabka uu haysto ayaan beentu xaaraan ahayn? Waxa nasiib daro ah in Haya’ddii Wadooyinka uu madaxwayne Silaanyo isaga daraadii u baabi’iyo mashruucii wadada Berbera Tog Wajaalena isagu galaaftay. Wuxu dadka u sheegaa in aanu ka soo horjeedno horumarka dalka oo been ah iyadoo waxa aanu diidan nahayna ay tuugadiisa, beentiisa, iyo musuq maasuqiisa uu u haysto in dalku yahay dhaxal isaga looga tegay. Madaxwayne Silanyo waxa nasiib daro ah in wasiiradii fashiliyay mashaariicdii ugu muhiim sanayd dalka na la yidhaa waa muwaadiniin wanwanaagsan oo daacad ah dhamaan intii dalkan u soo halgantay ee dhibaatada ugu badan u soo martayna la yidhaa waa beenaaleyaal khaayimiin ah oo qaran dumis ah. Wasiirka madaxtooyadu wuxu hayaa shaqo keliya waana in uu jarka ka tuuro Madaxwaynaha, hawshaasina si fiican ayay ugu socotaa waanu ku guulaysan doonaa hadii Alleh yidhaa. Waxa la yaab ah in Amiin Caamir uu intaa garto lakiin aanu Madaxwaynuhu ilaa hadda ogaanin. SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALIGURAY) Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|