Wafti Xildhibaano Ah oo Ka Socda Baarlamaanka Jabuuti oo Kulan La Qaatay Golaha Guurtida Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Xildhibaano Ah oo Ka Socda Baarlamaanka Jabuuti oo Kulan La Qaatay Golaha Guurtida Somaliland
October 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Shir-gudoonka golaha guurtida Somaliland ayaa waxa ay maanta kulan balaadhan ay laa qaateen wafti xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka dalka Jabuuti.

Waftigan xildhibaanada ka socda Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa hogaaminayay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambasador Cabdifataax Siciid Axmed.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa faah-fahin ka bixiyay ujeedka kulankan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen waftigan xildhibaanada ah ee ka socda Baarlamaanka Jabuuti.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS