Waa Kuma Shaqsiga Lagu Bedelayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Shaqsiga Lagu Bedelayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada?
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Aadan “Ilkacase” ayaa la filayaa in xilka laga qaado, kadib cabasho ka soo noq noqatay beeshiisa iyo hawlihiisa shaqo ee Wasaarada Shaqo gelinta waxaana ay beesha uu ka soo jeedo ay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbadeen in booska Agaasimaha wasaaradaasi loogu bedelo Aqoonyahan Jamaal Ibraahim Maxamed.

Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda beeshiisa ayaa waxaa ay sheegeen in masuulkani uu khilaaf iyo kala qaybin ka dhex abuuray beesha waxaanay Madaxweynaha Somaliland ay ka codsadeen iguna baaqeen in uu masuulkaas bedelo kuna bedelo shaqsi ka soo jeeda beeshooda.

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasiirka wasaarada Shaqo gelina iyo Agaasimaha Ilkacase uu soo dhex galo khilaaf iyadoo Wasiirku sheegatay in uu soo farogaliyey shaqooyin aanu awood u lahayn, taas oo keentay isku dhaca labaddan masuul. iyo sidoo kale Agaasimaha oo aan badanka kasoo xaadirin shaqada.

Agaasime Ilka Case ayaa tan iyo intii xukuumada Siilaanyo jirtay noqday masuulka wasaaradda loo bedelaba ka dhex abuuray khilaaf, waxaana hore isku soo khilaafeen  wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo Wasiirkii hore Wasaarada Shaqo Gelinta Maxamed Cabdilaahi Obsiiye iyo Wasiirka Beeraha wakhigan ee Xukuumada Muuse Biixi iyadoo markii loo bedelay Wasaarada Shaqo Gelinta ayaa isagoon wakhtibadan haynin shaqada uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay Wasiir Hinda Gaani.

Sidoo kale, Agaasime Ilkacase ayaa caan ku noqday is qabqabsiga khilaafyadda soo noq noqday ee wasiiirada ka sareeya iskugu dhaceen ayaa sabab looga dhigay talaabooyin musuq maasuq oo uu ku kaco.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu xilka ka qaado Agaasime Ilkacase oo uu booskaasna ugu bedelo Aqoonyahan Jamaal Ibraahim Maxamed oo ah shaqsi ay isku beelyihiin.

COMMENTS
LINKS