|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa Tee Hay’adda Usaraysa Garsoorka Dalku, Halkayse Haatan Ku Danbeeyeen Hawleheedi Shaqo? Qalinkii Garyaqaan Jicsin.
October 16, 2018 - Written by Editor:QORMADII KOWAAD:- Inagoo ka duulayna ahmiyada dabaqaada iyo isku dhaqanka Sharci “ Rule Of Law “, maanka ku hayna muhiimada saraynta sharci “ Supremacy of Law “ dhamaanteena ogsoon in si siman masuuliyadi inooga saaran tahay ilaalinta isku xukunka iyo saraynta sharci, hadana waxaa hubaal ah in guud ahaan bahda ehelka u ah Sharciga ay saaran tahay masuuliyad gaar ah oo ku aadan bayaaminta talaabo iyo dhaqan kasta oo sharci, kaasi oo kobcin iyo horumar u noqon kara nidaamkeena maamul ee saldhiga u yahay Sharcigu, sidoo kalena noqon kara waxyeelo iyo hagardaamo ku aadan. Ugu horayn Gudidda Cadaaladdu waa Hay’adda u saraysa ee hogaamisa Maamulka Garsoorka dalka, isla-markaana ah mishiinka ama ubucda hawlaha garsoor idil ahaantood sida ay dhigayaan dastuurka qaranka iyo xeerka nidaamka Garsoorka labaduba waxayna ka kooban tahay 10 xubnood oo kala ah :- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Gudoomiye Labada Garsoore ee kusoo xiga xaga darajada Gud. Maxkamadda Sare. Xubno Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Xubin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Xubin Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta. Waajibaadyada kala gedisan ee ay u astaysan tahay Guddida cadaaladdu sida u dhigayo Qod. 50 aad ee Xeerka nidaamka Garsoorku waxay u dhigan yihiin sida tan :- Magacaabista , Dalacsiinta, hoos u dhigidda, bedelaadda, anshax – marinta iyo xil-ka-qaadista, Garsoorayaasha Maxakamadaha darajooyinka hoose, iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud Wuxay ilaalinayaan xushmadda iyo dhawrsanaanta Garsoore ama Xeer-ilaaliye Waxay fayl u furaan garsoore kasta iyo ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud taasoo lagu kaydinayo dhammaan arrimaha khuseeya garsooraha iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud, sida dallacaadaha, hoos u dhigidda, digniinta, abaal marinta Waxay ku samaynayaan kormeer iyo daraasad dhammaan arrimaha garsoorka ugu yaraan sannadkiiba hal mar Waxay oggolaadaan maamuus ka qaadista garsoore ama ku xigeen xeer ilaaliye guud haddii lagu soo ooggo danbi ciqaabeed oo guddidu garawsatay waxay war bixin sanadeed qoraal ah, oo faahfaahsan oo ku saabsan shaqo gudashada garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha u gudbisaa Shirwaynaha Garsoorka Sanadka dhamaadkiisa Waxa uu soo saara oo uu dhaqan galiyaa xeer hoosaadyo khuseeya magacaabista, mushaahaarka, gunnooyinka, tabobarada, bedelka,shaqo gudashada iyo anshaxa iyo asluubta garsoorka; Waxay madax weynaha kala taliyaan magacaabista guddoomiyaha iyo garsooreyaasha Maxakamadda Sare. Waxa uu soo saaraya xeer-hoosaadyada iyo hab-raacyada shaqo gudashada iyo maamulka hawlaha guddiga. Wuxuu diyaarinayaa, dhaqaale u raadinayaa, dabagelayaa, fulinyaa barnaamijyada iyo qorshayaasha horumarinta iyo tayanta garsoorka iyo hawl-wadeenada garsoorka Waxay diyaarinayaa, soo jeedinayaa, raadinayaa oo dabagelyaa baahiyaha garsoorka Waxay ilaalinayaa, raadinayaa oo difaacayaa madaxbaanida, karaamada iyo xuquuqaha garsoorka Waxay soo saarayaa xeer-nidaamyo, hab-raacyo, hagayaal, tilmaamo iyo wareegtooyin hawlgudashada garsoorka la xidhiidha Wuxuu diyaarinayaa qorshayaasha lagu baahinayo garsooraka dalka Wuxuu qiimaynayaa, la xisaabtamayaa garsoorayaasha iyo ku xigeenada xeer-ilaaliyaha, guud, go’aamona ka qaadanayaa Waxa uu yeelanayaa xafiis maamul oo u gaar ah oo leh waax hawsheedu tahay kormeerka iyo baadhista garsoorka Wuxuu ogolaanayaa ka dodayaa, dabagelayaa miisaaniyada Maxakamadaha hoose ee dalka Wuxuu aqoon korodhsi iyo tababaro u raadinayaa hawl wadeenada garsoorka Wuxuu soo jeedinayaa abuurida Maxakamado cusub ama xidhida kuwo hore u jiray Waxa kale oo uu gudanayaa waajibaadyada kale ee uu xeerkan ama xeerar kale u xilsaaro Kulanada Gudidda Cadaaladdu waxay noqonayaan kuwo caadiya iyo kuwo aan caadi ahaynba. Kulanada Caadiga ahi waxa ay dhacayaan bishiiba hal mar taasi oo ah khamiista ugu dambaysa bil kasta sida uu jidaynayo Qod. 52aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorku. Si ay u qabsoomaan kulanada Gudidda cadaaladu, isugu yeedhida xubnaha kala duwan waxa u igman Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Gudoomiyaha Gudidda Cadaaladda sida u dhigayo Qod. 51 aad ( 2 ) Xeerka Nidaamka Garsoorka. La soco Qaybta Danbe………. Qalinkii Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin Tell : 00252 63 4431510 00252 65 4431510
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|