|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururada Bulshada Rayidka Ee Somaliland Baaq U Diray Madaxweyne Muuse Biixi
October 31, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Mudane Madaxweyne, Sida aad ka war qabtid, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland. Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa Xisbiga Kulmiye ballan qaaday in haddii Xisbigu ma rlabaad talada dalka ku guulaysto uu xukuumaddiisa ka sin doono 30% Haweenka Somaliland. Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaaad taariikhdu markay ahayd 28/12/2015 saxeexday warqad ballanqaad (CommittmentLetter) oo sumaddeedu tahay XK/XGX/00421/52/2015 oo aad ku caddeynayso in 30% Xukuumadaada aad kasiin doono Haweenka Somaliland. Mudane Madaxweyne markii aad talada dalka ku guulaysatay, waxa ay mar kale Dalladda Haweenka ee NAGAAD kuu soo gudbiyeen warqad rasmi ah oo kutaariikhaysan 3/12/2017 Warqaddaa Haweenka Somaliland waxaay kugu xusuusinayeen ballanqaadkii aad samaysay wakhtigii ololaha doorashada. ,Iyada oo intaas oo ballanqaad ahí jirtay, haddana, Mudane, Madaxweyne Golahaagii wasiirada ee aad ku dhawaaqday bishii December 14, 2017, waxa aad haweenka Somaliland ka siisay laba wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo kaliya. Ka dib markii aad soo saartay liiska Golahaaga Wasiirada, Mudane madaxweyne, Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay 15 January 2018 kulan ay kuugu yimaadeen Madaxtooyada kaaga codsadeen in aad kaalintooda ka siiso haweenka Somaliland Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Qaranka ee aad magacaabi doonto. Nasiib darro, Mudane Madaxweyne waxa aad magacowday 24 Agaasime guud oo aanay wax haween ah ku jirin. Intaa wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne waxaaad soo saartay digreetooyin madaxweyne oo aad ku magacowday masuuliyiin hay’ado kala duwan sida Guddoomiyayaasha Gobolada, la taliyayaal Madaxweyne, iyo Guddoomiyayaasha /Agaasimayaasha hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah oo dhamaantood aanay haweenku xaqqoodii ay mudnaayeen ka helin. Ugu dambayn, taariikhdu markay ahayd 16 bisha October, waxaaad Mudane Madaxweyne soo saartay digreeto Madaxweyne oo aad ku magacowday 19 Xil oo aanay haba-yaraatee wax haween ahí ku jirin. Sidaa awgeed, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyadjabsan yihiin sida ay Haweenka uga maqan yihiin Xukuumaddaada. Haddaba, Mudane Madaxweyne, Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay mar kale kuugu baaqayaan in aad Haweenka ka siiso kaalinta ay xaqqa u leeyihiin Xukuumaddaada, adiga oo fulinaya ballan qaadyadii kala dambeeyay ee aad samaysay.
Anwar Abdirahman Warsame Guddoomiyaha SONSAF
Related posts:Daawo: Wariye Ka Tirsan Wargeyska Saxafi Oo Ka Waramay Jidh-dil ay U Geysteen Ilaalada Wasiirka Arri... Boqor Buurmadow Oo Sheegay Inaanu Is Casilayn C.rashiid Riyo Raac Haddii Somaliland ku Kala Tagayso. Door-roonihii Da'dii Aan Ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) (1956kii - 1987kii) Qalinka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|