|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga oo Gacanta Ku Dhigay Cod iyo Muuqaal Muujinaya Dilka Suxufi Jamal Khashoggi
October 12, 2018 - Written by Reporter:Ankara (WJN)- Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xidhay qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jidh dilay kadibna la dilay oo jidhkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska. Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Postay tidhi. Warbixinta waxa ay sheegtay in aanay caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baadhayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, iyaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaadhaan waxa ku dhacay Khashoggi. “Qunsuliyadda ayuu galay, kamana soo bixin” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Fox and Friends ee taleefishinka Fox News. “Uma muuqato in ninkaas uu hadda nool yahay” ayuu raaciyey. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Khashoggi oo aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ay toddobaadkii tegay dileen koox ka kooban 15 nin oo Istanbul yimid, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.
SOURCE: VOA SOMALI WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE Related posts:Guddidii Taakulada Abaaraha Heer Qaran Oo Caawa Soo Bandhigay Xisaab Xidhkii Ay Ku Shaqaynayeen Muda... Xildhibaano,Dhalinyaro Iyo Haween Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka Ah E... Wasiir Cukuse Oo Xabsiga U Taxaabay Wiil Warqad Furan U Qoray Madaxwyne Siilaanyo Maxaase Ku Qor’naa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|