“Tukaraq Nabadgelyadeedu Waa Mar Ciidanka Qaranku Soo Taabto Xadka Somaliland,Oo Garoowe Ay Ka Dhacdo I BIXIYOW I BIXI”Cali Guray, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Tukaraq Nabadgelyadeedu Waa Mar Ciidanka Qaranku Soo Taabto Xadka Somaliland,Oo Garoowe Ay Ka Dhacdo I BIXIYOW I BIXI”Cali Guray,
October 11, 2018 - Written by Editor:

GAROOWE: I BIXIYOW I BIXI;

Faan waynaayeey! hadmaan idhi Tukeraq nabadgelyadeedu waa mar Ciidanka Qaranku soo taabto xadka Somaliland oo mar Garoowe ay ka dhacdo I BIXIYOW I BIXI haddii kale ciidanka dib ha looga soo celiyo. Difaac dheeraada oo aan macno samaynayn niyadjab iyo dagnaashe mar keliyana ha noqoto eh oo cadawgoodu kaga faaiidays karo ayay keeni kartaa iyagoo “goorta iyo meesha dagan” iyagu dooranaya. Sanaag Bari iyo Buuhoodle midna Somaliland dhulkeeda ay iyadu ka taliso weerar lagaga soo ma jirto. Halka faaqday ee laga fidhiyi la’yahay waa la yaqaan ciidankoodu intuu u jiro ka Somalilandna waa la yaqaan. Waxn leeyahay tani waa saleelo tu ka xun baa iman karta haddii labadaa talo aan mid uun lagu calool adaygin.

Hadaba Xildhibaanadu ma wax bay ogyihiin illayn iyagu mahaa Wasaaraddii Gaashandhigga eh, maxaaase isku beegay Ceerigaabo iyo Tukeraq?

Casharadii SNM aan ka bartay mid baan idiin sheegayaa maanta. Waxanu necbaan jirnay dabaaldegga 21ka Oktoobar markaa bisha Siptambar ayaanu bilaabi jirnay dhaqdhaqaaq ciidan oo ahaa in aanay nabad ku dabaaldegin. Bishu waa bishii Hadraawi u bixiyay Jiitama uu lahaa “ Maygu dhalatay Jiitami, Dhaylo dubato maantana ma ku ciiday dheel dheel”.

Warku markaaba dhinaca kale ayuu gaadhi jiray markaasaa ciidamada naga soo horjeeda oo dhan la fari jiray inay galaan difaac. Weligoodba ha ku jiraan. Ilayn jabhadi itaal badan ma hayso eh xaamxaamadka iyo isurursiga, saad iyo saanad daydayga sidaanu ugu jirno ayay Sibtambar iyo Oktoobarba na dhaafi jireen. Markaasay ciidamadii heeganka la geliyay odhan jireen waar weerarna ma jiro hadday wax isla hayaan 21kii Oktoobar bay ina soo weerari lahaayeen waxba ma jiraan oo arladu waa nabad. Bil ka dib ayuu diyaargarowgii noo dhamaadaa dabeed goorta dagan iyo halka dagan ayaanu ku dhufanaa.

Alleh ha u naxariisto eh odaygii Gabax marka lagu yidhaa nimanki warkii way heleen in weerar ku soo maqan yahay markii dambe wuxu halhays u lahaan jiray, ISKA DAA SIR LA’AANTA SNM AYAA SIR AHE. Waayo marka dhinaca kale xogta weerarka SNM helo iyo marka qacdu dhacdo mararka qaar sedex bilood iyo ka badan ayay u dhexayn jiray.

Markaa difaacan Tukeraq anigu waan u baqayaa labada talo een soo jeediyayna waan hubaa oo midba la qaadan maayo Ilaahay inaguma keeno eh haddii taan ka baqayaa dhacdo hadhow uun yaan la shalaayin.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (caliguray)

COMMENTS
LINKS