Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Gilgiley Baydhabo oo Sii Kordhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Gilgiley Baydhabo oo Sii Kordhay
October 13, 2018 - Written by Reporter:

Baydhabo (WJN)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaadhka maamulka Koonfur galbeed.

Tirada dadka ilaa iyo hada ku dhintay qaraxyadan ayaa la sheegayaa in ay gaadhayaan 12 ruux, iyadoona khasaaraha dhaawaca ah uu caga-cagaynayo sodon ruux sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka cisbitaalka Baydhabo.

Maqaaxida Badar oo ah goobta uu qaraxii koowaad ee ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay halka ugu badan ee uu ka dhashay khasaaraha dhimashada maadama xiliga la weeraray goobtaasi ay ahayd mid aaad u mashquul badan oo ay ku qaxweynayeen dad weyne tira badan.

Ilaa iyo hada lama helin bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxyada ruxay Baydhabo inkastoo warar soo baxay ay sheegayaan in hotel bilan oo kamid ah goobaha la qarxiyay ay ku sugnaayedeen siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koonfur galbeed qeybtoodna ah musharaxiin madaxweyne.

Wadada ku taala bartamaha magaalada baydhabo oo ah halka ay ku yaallaan goobaha qaraxyadan lagu weeraray ayaa caawa lagu arkayaa ciidamo aad u badan oo jidgooyin ku xidhay wadada ,baadhitaanana ka wada.

Ururka Al Shabaab oo caawa fidkii baraha ay wararkooda ku faafiyaan ku sheegtay mas’uuliyada qaraxyadan ayaa midkood waxa ay sheegeen in ay ku beegsadeen Maxamed Aadan Ibraahim oo hore u soo noqday wasiirka maaliyada Soomaaliya haatana kamid ah musharixiinta xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed, balse warar ka madax banaan lama helin.

Si kastaba ha ahaatee qaraxyadan maanta ruxay magaalada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xili magaaladaasi laga dareemayo olole doorasho oo ay wadaan siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanadaasi, iyadoona qaraxyadan ay iftiiminayaan heerka amni ee magaaladaasi Baydhabo xili lagu guda jiro abaabul iyo diyaar garow doorasho.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS