Sucuudiga oo Dilka Jamaal Khaashuqji Ku Sheegay Howlgal Khaldamay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga oo Dilka Jamaal Khaashuqji Ku Sheegay Howlgal Khaldamay
October 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii hore uga soo yeedhay.

Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas.

Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo uga tacsiyeeyay dilka aabihii loo geystay.

Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imanaya.

Markii hore waxay sheegeen in 2dii October uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda, Sheegashadan ayaa abuurtay shaki aad u weyn.

Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khaashuqji, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray dowladda Sucuudiga, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen iney caddeyn u hayaan arrintaas.

Sidey isu baddaleen hadallada ka soo baxay dowladda Sucuudiga?

Hadalka Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah odhaahyada sida tooska ah uga yimid saraakiisha Sucuudiga.

“Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood ayna lahayn”.

“Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”.

Wuxuu sheegay in ayna ilaa hadda ogeyn halka uu jiro meydka, sidoo kalena ficilkaas uuna waxba ka ogeyn dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga.

Hase ahaatee wargeyska Yeni Safak, oo ku dhow dowladda Turkiga ayaa sheegay inuu hayo macluumaad muujinaya in xafiiska dhaxal sugaha boqortooyada uu afar wicitaan oo taleefanno ah ka helay qunsuliyadda, marka uu dilku dhacay ka dib.

Warqadda ay macluumaadkan ku qoranyihiin oo lasoo dusiyay ayaa qeyb ka ah baadhitaannada ay sameeyeen saraakiisha Turkiga, waxayna muujisay in sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga ee Turkiga oo lagu magacaabo Maher Mutreb uu taleefankiisa khaaska ah u isticmaalay wicitaanka xafiiska dhaxal sugaha, sidoo kalena uu wacay lambar Mareykan ah oo la rumeysanyahay inuu leeyahay dhaxal sugaha walaalkii ka yar oo lagu magacaabo Kaalid, kaasoo ah safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Mareykanka.

Amiir Khaalid Bin Salmaan ayaa Mareykanka ka soo tagay isla markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Jamaal Khaashuqji la waayay.

Dilka Jamaal Khaashuqji: arrimihii ugu waawynaa ee dhacay

2 October

Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsanyahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaadhay goor dambe oo galabtii ah.

Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaadhi dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka

Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa

Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaadhi ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda

Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga

3 October – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda

4 October – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda

7 October – Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga

13 October – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta af-carabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa hore u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah

15 iyo 17-18 October – Baadheyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baadhitaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda

19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baadhitaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka.

20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka

21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd “howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka “dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada

Maxay dowladda Sucuudiga sameysay ilaa hadda?

Waxay sheegeen in ay xidheen 18 qof, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga.

Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka kala hadleen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihii.

Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in hore looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uuna u soo booqanin aabihii oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga.

Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay “mid mareykanka gaadhsiineysa khasaare ka badan midka ay gaadhsiineyso Sucuudiga”.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo.

Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka.

Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku ammaantay sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in “run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka.

Xagey baadhitaannadu marayaan hadda?

Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baadheyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xidhiidha in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan.

Booliska ayaa baadhitaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan “mar aan dheereyn”.

Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baadhitaanno lagu sameeyay.

Dacwad oogeyaasha Turkiga ayaa su’aalo weydiinayay shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khaashuqji la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa.

Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro.

Sarkaal Sucuudi ah ayaa xidhay dharkii Khaashuqji wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda.

 

SOURCE: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS