|
|||||
WAJAALE NEWS
Soomaaliya oo Saxeexday Qaraarka Qaramadda Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada Ah
October 3, 2018 - Written by Reporter:New York (WJN)– Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku saxeexday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah. Soomaaliya ayaa noqoneysa dalka 178-aad ee saxeexa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah,xilli ay dowladda hore u ballan-qaaday ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u saxeexday sharciyo u yaalla Qaramada Midoobay, kuwii ugu dambeysay ee ay saxeexday dowladda waxaa ka mid ahaa sharci mamnuucaya askareynta Carruurta,iyadoo qaraarka ay dowladda Soomaaliya saxeexday hadda la filayaa inuu muhiimad gaar ah uu yeesho dadka Naafada ah.
Related posts:Gudoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Qaranka Oo Sheegay In fasalada 8aad Loo Qiimaynayo Imtixaankii Sha... DAAWO;-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Hirgaliyay Deegaanka Idh... Xarunta Xuquuqal Iisaanka Madaxa Banaan Oo Canbaaraysa Xadhiga Xukuumadu kula Kacday Suxufiyad Busha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|