Soomaaliya iyo UNHCR oo Ka Wada Hadlay Soomaalida Ku Go’doonsan Liibiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya iyo UNHCR oo Ka Wada Hadlay Soomaalida Ku Go’doonsan Liibiya
October 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.

Boqollaal  Soomaali ah ayaa  go’doon ku ah dalalka aan xasillooneyn ee Yemen iyo Liibiya, halka tiro kale oo muddo ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee Kenya ay doonayaan inay dalkooda dib uga laabtaan.

Qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ayaa socday labadii sanno ee u dambeysay,waxaana qorshaha uu sababay kumannaan ruux inay dalka dib uga soo laabtaan,kulanka hadda ee Geneva ayaa sidoo kale looga dooday kaalmo u fidin degdeg ah oo lala gaadho qaxootiga kahor intaanan Soomaaliya dib loogu celin iyo kaddib.

Waxaa goobjoog u ahaa kulanka Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee waddamada la isku yidhaahdo (Benelux) iyo xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha hay’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

 

COMMENTS
LINKS