Soomaalida iyo fahanka khaldan ee dowladnimada. W/Q: Cabdixaafid Axmed Hurre | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaalida iyo fahanka khaldan ee dowladnimada. W/Q: Cabdixaafid Axmed Hurre
October 28, 2018 - Written by Reporter:
Soomaali Duug Maleh
 Qabiilkaa u dowlada ah
Waa dad Aan aqoon baran
Duurjoog Madhaamaan.
Tixdan yar ee  Aan Hordhaceedda  Idinla wadaagay Waxaan Ku Cabiray hab dhaqanka dhiifoon ee Soomaalida, Soomaalidu Waa dad Aaminsan qabiil iyo qabyaalad oo Caqiidadoodu Ku Salaysantahay reer hebel iyo qabyaalad, Xitaa Sida Soomaalidu u aaminsantahay qabiilka umma aaminsana Diinta Xaqa ah ayaan odhankaraa, Sababtuna Waxa Weeye qayb kasta oo ka mid ah Nolosha bulshada Soomaaliyeed Wuxuu Ku binaysanyahay ama Ku dhisanyahay Nidaam qabiil lkn Kuma dhisna wadaniyad ama wax afka qalaad loogu yaqaan (patriotism).
Soomaalida Iyo Dowladnimada
Soomaalidu dhaqan iyo hiddo umma laha Dowladnimada iyo Is Xukunka Xasriga ah Nidaamka Dowladnimada waxay ka dhaxashay reer Yurubkii dhulka Soomaalida Soo galay Muddo Ku dhow qarni iyo badh ka hor, taariikhda Soomaaliduna Waxay Ku aroortaa Xoolo jirato iyo reer guuraa, Yaqaan Nolosha Miyiga.
 taniyo Intii reer yurub ka guureen beledada Soomaalida Waxaa hubaal ah In Nidaamka Dowladnimada Soomaalidu Ku Salaysnaa hab qabaai’l ah Illaa uu burburay Nidaamkii lagu Midaysnaa ee Lixdankii dhashay Sida Cawshana loo kala Yaacay.
Dowladnimadu waa heshiis bulsho oo loogu talagalay In uu daboolo baahiyaha Aasaasiga ah ee bulshadu u baahantahay Sida adeegyada guud ee bulshada, kala Celinta dadka iyo difaaca dalka, taas oo Macnaheedu yahay In aan qofna keli Isku bixinkarin bulsho meel Ku Noolna Maanul la,aan karin.
Lkn Ayaan darada Soomaalida haysataa Waxa Weeye In Nidaamkii qabiilka ee baadiyaha Ku habboonaa Lagu dabakhay dowladnimadii Laskuna Milay dhaqankii reeraha iyo Dowladnimadii, taasina ay keentay In Wasiirku ama Masuulka Xukuumaddu uu Isu arko In uu booska Ku Metelo beeshiisa ama Jufadiisa hoose lkn uuna Isu arag Masuul qaran oo dadka u dhaxeeya, tusaale ahaan Somaliland oo ka guurtay Nidaamka qabiilka una guurtay Habka Xisbiyada badan Codaynta loo yaqaan qof iyo Cod (one man one vote) Wali Waxaa hay,adaha dowlada Daciif ka dhigay Nidaamka awood qabsiga beellaha ama Cugashada Ku Salaysan qabiilka lkn aan loo Eeggin aqoonta iyo kartida.
Somalia Iyadu Way ka Sii Xagjirtaa oo Nidaamka Dowladnimada ee beesha Caalamku ka Yabyabayso Muqdisho Wuxuu Ku Salaysan yahay 4.5 habraacaas ama halbeegaas  oo aan dowladnimada Meelna ka Soo gelin Sababtoo ah Madaxweynaha reerbaa leh, Ray,sal wasaaraha reerbaa leh Xilalka kale ee Dowladuna waxay Ku dhisanyihiin Saami beelleed  qaawan waana Sababta Somalia loogu Soo Celin waayay sharciga iyo kala danbaynta  keentayna Is aamin la,aanta iyo kala Cararka Waayo reerna reer umma dowladayn karro, dhibka ugu wayna waa Fahanka guracan ee  Dowladnimada Soomaalidu ka qaadatay oo ah In Ninka Xilka haya hadduu Xunyahay iyo hadduu wacanyahayba reernimo lagu difaaco Marba reerka Xilka hayaana u arkaan Dowladnimada geel ay leeyihiin dadka kalena Marti Ku yahay.
Imakana waxaan Idin raacinayaa Maansadan kooban ee aan Ku Cabiray Soomaalida.
 Soomaali Duug Maleh
 Qabiilkaa u dowlada ah
Waa dad Aan aqoon baran
Duurjoog Madhaamaan
Dunidana ma Fiirshaan
Cunfigiyo Dirsoociyo
Collaadana  Ma daayaan
Diintoodu waa reer
Daw kale ma raacaan
Iimaan dabrana maleh.
Deriskana Ma dhawraan
Dowlad wacan ma yeeshaan
 Dacalada Adduunkana
 Dayray ka qoranyiin
Ninka duubka loo Xidho
Dooroone loo Filo;
Wuxu been dudubiyaba
Duullaabo Madaxnimo
Markuu gaadho derajada
Danta guud ma Eeggee
Qoluu dabada geliyaa.
cabdixaafidm2016@gmail.com

COMMENTS
LINKS