Somaliland oo Ka Qaybgalaysa Carwadda Caalamig Ah Ee Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo Ka Qaybgalaysa Carwadda Caalamig Ah Ee Itoobiya
October 31, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Somaliland ayaa waxa ay ka qayb galaysa Carwada 11-aad bandhiga ganacsiga Itoobiya, taasi oo ay ka soo qaybgali doonaan 200 oo shirkadood, Siday werisay Wakaallada Wararka Itoobiya ee  ENA.

Carwada ganacsiga Itoobiya ayaa ka furmi doonta magaalada Addis-ababa  1-da bisha November oo ku beegan Khamiista Beri, waxaana la sheegay in 29 shirkadood ay ka socdaan dalka Shiinaha, halka shirkadaha kalena ka kala iman doonaan dalalka Ruushka, Hindiya, Singabuur, Masar, Sucuudiga, Somaliland, Marooko  iyo Suudaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Itoobiya, Mr. Assefa Gebreselassie, ayaa sheegay in  carwadan  caalamiga ah oo socon doonta muddo lix maalmood ah ay isku xidhi doonto shirkadaha Itoobiya iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale xogahayaha Rugta ganacsiga Itoobiya ayaa xusay  in muddada carwadaasi socoto ay maalgashadeyaasha caalamiga ahi dersi doonaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan Itoobiya.

 

COMMENTS
LINKS