Sinéad O’Connor oo ah heesaa caan ah oo Islaamtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sinéad O’Connor oo ah heesaa caan ah oo Islaamtay
October 26, 2018 - Written by Reporter:

Fannaanada lagu magacaabo Sinead O’connor ayaa shaacisay in wixii xiligan ka danbeeya ay tahay qof Muslim ah.

Sinead O’connor, waxa ay sheegtay inay kusoo biirtay Diinta Islaamka, isla markaana ay la magac baxday Shuhadaa’ Davitt.

Shuhadaa’ Davitt, qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ugu mahad celisay dhamaan Muslimiinta.

Shuhadaa’ Davitt, waxa ay tilmaantay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Ummah (The Muslim Community).

Diinta Islaamka oo ay qaadatay ayay sheegtay inay inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay hore ula soctay balse ay mar uun ku taameysay qaadashada diinta wanaagsan.

Dhinaca kale, Shuhadaa’ Davitt waxa ay muslimiinta oo dhan ay ka dalbatay in loogu duceeyo in alle uu ka cafiyo heesaha ay ku luqeyn jirtay inta ay heysatay gaalnimada.

COMMENTS
LINKS