“Siilaanyo Xiligii SNM-ta Wuxu Caado U lahaa Musuq Maasuq Siyaasadaysan (Political Corruption)”Yuusuf Cabdi Gaboobe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siilaanyo Xiligii SNM-ta Wuxu Caado U lahaa Musuq Maasuq Siyaasadaysan (Political Corruption)”Yuusuf Cabdi Gaboobe.
October 29, 2018 - Written by Editor:

Buugii Xirsi Waxa Uu Siilaanyo Ku Tilmaamay Nin Aan Musuq-maasuqa Jeclayn.Anigu Waxan Qabaa Taas Cakiskeeda.Siilaanyo Xiligii SNM-ta Wuxu Caado U lahaa Musuq maasuq Siyaasadaysan (political corruption) Sida Inuu Gudida Fulinta Ee Ururka ka Buuxiyo Ashkhaas Aqoontooda iyo kartidooduba Liidato taasoo uu ku iibsan jiray taageeradooda xiliyada shirarka ama hadii ay Ururka dhexdiisa mucaaradadi kaga kacdo.Waxa kale oo caado u aheyd inuu jabiyo shuruucda Ururka ama kala qaybiyo Ururka iyo taageeroyaashiisa

si u u fushado danno gaar ah .

Dhinaca musuqmaasuqa Maadiga ah(graft),waxa la ogsoon in madaxweyne Cigaal uu sanadkii 1997 Siilaanyo ka dhigay Wasiirka Maaliyadda balse uu mar dambe ka badalay oo uu geeyey Qorshaynta kadib markii ay soo shaacbaxeen fadeexado musuqmaasuq oo Mr Siilaanyo ku kacay mudadi uu hayey xilka Wasiirka Maaliyadda.

QORAA YUUSUF CABDI GABOOBE.

COMMENTS
LINKS