|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sidii Ceel-Afweyn Loogu Gurmaday Labadan Beeloodna Ha Loogu Gurmado, oo Si Dhaba oo Ficil Leh Wax Ha Looga Qabto”.Axmed Yuusuf Yaasiin
October 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Dhoomay, waxaanu baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo fidno iyo cadawaad wada. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa soo jeediyey in qaabkii loo xaliyey colaadii Beelaha Ceel-afweyn, in iyana loo xaliyo colaada labadan Beelood ee Dhoomay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xukuumaddu waa inay gacan bira ah wax kaga qabataa dagaalkan uu soo noq-noqdaye, ee waa in si dhab ah loo waajaha, oo heshiiskii ka dhacay Ceel-afweyne oo kale waa in loo soo gabagabeeyaa, Ciidamaduna waa inay doorkooda qaatan si aanu dagaalkani mar dambe u soo noqon, labadan Beeloodna, waa laba Beelood oo is dhex degan, oo guri guri isku dhex degan, waana laba Beelood oo is dhalay, oo wada dhashay, waxaana odhan lahaa dagaalka joojiya, caqliguna ha shaqeeyo, cahdigii qorigu uu dhammaday, caqliga ayaa shaqeeyanaya, caruutiina qaliga u dhiiba, oo wax ha bartaan, jahliga ka saara, aniga laandheera ah iyo aniga reer hebel ah waa dhaqan xune ha laga ilbaxo, oo caqligu ha ka shaqeeyo, sidii Ceel-afweyn loogu gurmaday labadan beeloodna ha loogu gurmado, oo si dhaba oo ficil leh wax ha looga qabto”.
Source: Geeska COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|