Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Muqdisho Ka Furmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Muqdisho Ka Furmay
October 27, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay markii ugu horreysay shirka kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee OIC, waxaana ka qeyb galay qaar kamid ah wasiirada arrimaha dibadda iyo wakiilo matalayo dalalka xubinta ka ah ururkaasi.

Waxyaabaha lagaga hadlayo shirka waxaa kamid ah dardargelinta xasiiloonida iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Dalalka ka tirsan ururka kooxda xidhiidhka Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii loola dagaalami lahaa waxay ay ugu yeedheen kooxaha argagixisada.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo furay shirka OIC ayaa sheegay in shirkan uu albaabada u furi doono dalka Soomaaliya sidii uu ugu tallaabsan lahaa guulo hor leh isla markaasna dalalka xubinta ka ah ururkan ay garab istaagi doonaan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xidhiidhka Soomaaliya ee OIC, sidoo kale shirka waxaa jooga oo khudbad ka jeediyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Qatar

Kooxda Xidhiidhka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay bishii September ee sanadkii 2007-dii,, waxaa shirkii u horeeyay ee kooxdaas yeeshaan uu ka dhinac furmay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ee ka dhacay New York.

Shirka OIC3 Shirka OIC4 Shirka OIC5 Shirka OIC2 Shirka OIC6 Shirka OIC7

COMMENTS
LINKS