Shaqaalaha Hagista Diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho oo Shaqo Joojin Sameeyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaalaha Hagista Diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho oo Shaqo Joojin Sameeyey
October 3, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Shaqo joojintan ayaa ka billaabatay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Waxay saamayn ku yeelatay howlihii hagidda diyaaradaha ee garoonka, inkastoo ayna si buuxda hakad u galin.

Mushkiladda ayaa timid sida ay qaar ka mid ah shaqaalaha hagista dayaaradaha u sheegeen BBC ka dib markii masuuliyiinta shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha, ka dibna cadho ay ka qaadeen shaqaaluhu tallaabadaas awgeed ay ku dhaqaaqeen gadood shaqo joojin ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu salka ku hayo khilaafka shirkadda iyo horjoogaha shaqaalaha, hase ahaatee waxaa in muddo ahba soo kordhayay cabashada ay shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka ka qabeen shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Khilaafka ayaa muddo dheer soo jiitamayey

Mid ka mid ah shaqaalaha gadoodsan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa BBC-da u sheegay iney saaka hakiyeen howshii ay hayeen.

“Waxaan u dul qaadan weynay sida naloola dhaqmay, haddana waxaa shaqada laga eryay qof naga mid ah oo laga xaq daran yahay”.

“Xaq ayaan u leennahay inaan u doodno xuquuqdeenna mana mudnin in shaqada nalaga saaro haddii aan ka doodno waxyaabaha aan ka cabanayno”, ayuu yidhi.

BBC-da ayaa isku dayday iney xidhiidh la sameyso masuuliyiinta sare ee shirkadda Favori iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya, balse nooma suurta galin inaan helno, si aan wax uga weydiiso arrimahaan.

Hase yeeshee qof ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaas oo ka cudur daartay in magaciisa la soo xigto ayaa u xaqiijiyay gadoodka shaqo joojinta ah ee ay sameeyeen howl wadeennada hagista diyaaradaha oo loo yaqaanno Marshal.

“Marar badan ayey wasaaradda soo gaadheen cabashooyinka ka imaanaya shaqaalaha Soomaalida ah oo ka dacwoonaya hab dhaqanka shirkadda Favori” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray “annaga haddii aan nahay shaqaalaha wasaaradda waan la soconnay khilaafkan, waxaana ognahay in masuuliyiinta wasaaradda ee qaabilsan arrimaha garoonka ay ku dhex jireen xallinta cabashada” ayuu yidhi.

Sarkaalkan ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaalida ah ay ka cawdaan hab dhaqan ayna ku qanacsaneyn oo ay kala kulmaan maamulka shirkadda.

Khilaafka ayaa soo socday tan iyo markii ay shirkadda Turkiga ah la wareegtay maamulka garoonka caalamiga ah ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow shaqaalaha garoonka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka Aadan Cadde, oo arrintaan ay uga hadlayaan.

Sarkaalka ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa BBC-da u sheegay in saaka garoonka Aadan cadde ay ka soo dageen diyaarado, balse ay jirto saameyn xooggan oo ka dhalatay shaqa joojinta.

COMMENTS
LINKS