Sacuudiga oo Dhaqaalihii Ka Jaray Shacabka Qudus | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo Dhaqaalihii Ka Jaray Shacabka Qudus
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Qudus (WJN)- Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis xooggan iyo dhibaato cusub ku biirisay caqabadaha ay wajahayaan dadka degan magaalada barakaysan ee Qudus ee ku hoos nool gumeysiga Yahuudda, kadib markii ay ka jartay taageeradii ay siin jirtay.

Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Qudus ayaa wargeyska Alkhaleej Online u sheegay in Sacuudigu uu dhaqaalihiisa u adeegsanayo inuu ku qasbo dadka degan magaalada inay u hoggaansamaan siyaasadda cusub ee madaxweyne Donald Trump ee dhinaca ay ka riixayaan Yahuuddu.

Image result for qudus

Labadii bilood ee ugu dambeysay, magaalada barakeysan ayaa la kulantay hoos u dhac xooggan oo ah xagga gargaarka bani aadannimo, waxbarashada iyo mashruucyadii ay Sacuudiga mal-gelin jireen, ee lasoo marin jiray Bangiga Horumarinta Islaamka ee fadhigiisu yahay magaalada Jeddah.

“Tani waa ciqaab dadka Qudus ay kala kulmayaan Riyadh, kadib markii ay diideen inay aqbalaan heshiiska madaxweyne Trump ee loogu magac daray (Heshiiska qarniga), ee dhigaya in Qudus ay noqoto magaalo Yahuuddu ay leeyihiin” ayuu yidhi sarkaalku.

Sarkaalka ayaa sheegay in tageerada Sacuudiga oo ahaan jirtay 60 milyan oo dollar bishii, laga soo reebay kaliya 7 milyan.

Waxa uu intaas ku daray in markii ay dowladda Sacuudiga weydiiyeen sababta looga jaray dhaqaalaha, loo sheegay inay la xidhiidho dhibaatooyin dhaqaale oo Sacuudiga soo wajahay, balse ay ogyihiin in xaqiiqda ay tahay in arrintan la xidhiidhto siyaasad.

Khaleej Al-Khatib oo ah madaxa dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Qudus ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka shaqeynayaan danta Mareykanka iyo Yahuudda, ayna yaab lahayn tallabada ay qaadeen.

COMMENTS
LINKS