Sacuudiga oo Beddalay Sheekada Dilka Khashoggi, Sheegayna Arrin Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo Beddalay Sheekada Dilka Khashoggi, Sheegayna Arrin Cusub
October 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa badalay riwaayaddii Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ee  ku saabsaneyd dilkii Jamal Khashoggi , mas’uulkan waxaa uu sheegayaa in Jamaal u dhintay wada hadal ku saabsan sidii uu Sacuudiga ugu noqon lahaa.

“kooxda wada hadal-ka wey naxeen markii hore, taasi ayaa keentay inay runta qariyaan, dhimashada Jamaal waxaa ay timid markii la buquujiyay si aanu u qeylin”.

Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa October 20-keeda waxaa uu sheegay in baadhitaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi  ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda.

“Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi  iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha.

Jamal Khashoggi,  ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay.

Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale hore u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya.

COMMENTS
LINKS