Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka U Dhexeeya Qowmiyadaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka U Dhexeeya Qowmiyadaha
October 3, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulada dalkaasi inay wax ka qabtaan rabshadaha u dhexeeyay qowmiyadaha qaar.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay isbadallada socda oo ay kamid yihiin furfurnaadka siyaadda iyo so afjaridda colaaddii xadka ee kala dhexeeysay dalka ay deriska ay yihiin ee Eritrea.

Abiy Ahmed ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu khudbaddiisii ugu horreysay uu ka jeedinayay shirka xisbiga EPRDF.

Wuxuuna ra’iisal wasaaraha ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo amniga.

Madaxa shaqaalaha xafiiska Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitter-ka soo geliyay qodobadii uu ka hadlay ra’iisal wasaarahu.

 

Addis

COMMENTS
LINKS