|
|||||
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Dib U Habayn Balaadhan Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada
October 16, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib u habayn ballaadhan ku sameeyay golahiisa wasiirrada, isaga oo dhimay tirada guud ee wasaaraddaha dalkaas. Isaga oo golahiisa wasiirrada u soo bandhigaya baarlamaanka ayuu sheegay in tallaabadan uu u arkay in ay muhiim u tahay sii socoshada isbadallada uu wado tan iyo markii uu xilka qabtay toddobo bilood ka hor. “Arrintan waxay muhiim u tahay dib u habaynta istaraatiijadihii dhibaatooyinka laga dhaxlay ee dalka u horseeday qaska, waase haddii isbadalku uu hirgalo” ayuu yidhi Abiy. Golaha wasiirrada oo ahaa 28 ayaa hadda labaatan laga dhigay, wasiirrada hoggaamin doonana kala badh ka mid ah waxay noqon doonaan dumar. Dumarkaas waxaa ka mid ah Caasha Maxamed oo loo magacaabay wasaaradda gaashaandhigga, taas oo noqon doonta qofkii u horreeyay ee dumar ah ee jagadaas ka qabta Itoobiya. Muferiat Kemil oo shantii bilood ee la soo dhaafay ahayd afhayeenka baarlamaanka ayaa loo magacaabay wasiiradda nabadda, waana wasaarad cusub oon hore u sii jiri jirin. Axmed Shide oo ahaa wasiirkii warfaafinta oo Deegaanka Soomaalida ka soo jeeda ayaa hadda loo magacaabay wasiirka maaliyadda. Wasiirro tiro yar oo ay ka midyihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo midka caafimaadka ayaa jagooyinkooda sii haya. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|