|
|||||
WAJAALE NEWS
“Qoraalka PDF ka Ah Ee Aan Dhamayn Ee Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada” Ee Internet ka la Soo Geliyay Waa Tuugo Laga Soo Xaday Madbacaddii”Hogaamiye Xirsi.
October 29, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W.N) Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si kulul Ubeeniyay Qoraalka buug uu qoray oo isagoo oo PDF Ah lagu baahiyay internet isagoo sheegay in aanay jirin meel uu ku fasaxay baahintiisa laga been abuuray warqada lagu sheegay in uu ku fasaxay baahintiisa taasi iyana lasoo dhigay baraha bulshada oo lagu sheegay in uu ku fasaxay baahida buugiisa . Dhanka hogaamiye xirsi ayaa shaaciyay in qoraalka buuga “Miyiga ilaa madaxtoyada” in si tuuga ah looga xaday shirkadii diyaarintiisa gacanta ku haysay. Xirsi Ayaa qoraal uu arimahaasi ku beeninayo ku baahiyay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga. Wuxuna Udhignaa Sidan; “Qoraalka PDF ka ah Ee Aan Dhamayn Ee Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada” ee Internet ka la soo geliyay waa Tuugo laga soo xaday Madbacaddii Iyo dadkii ku Hawllanaa Diyaarinta Buuggaas. Warqadda lagu sheegayo in Qoraalka PDF ka ah Aan ku fasaxayna waa been Abuur ay sameeyeen kuwii Xaday. Qofna Umaan fasixin. Ayuu ku yidhi Qoraalkiisan Xirsi Cali Xaaji Xasan. Related posts:DAAWO; Barnaamij Gaar ah Oo Ku Saabsan D/Hoose Ee Hargeysa Cashuurta Ma Danyarta Ayuunbay ka Qaadaa? Booliska Gobolka Saaxil o Habeenkii Xalay ahaa Baajiyay Xaflad ay Qabsan lahayd Shirkada Kaluumaysi ... “Dagaalkii SNM Ee Aanu Ku Jirnay, Salaan Kor loo Korayo Ayuu Ahaa, Ninka Ugu Geesisanbaana, Halka Ug... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|