“Qofku Ha Qoro Buug Laakiin Waxa looga Baahan Yahay Inuu Difaaci karo, Wixii Uu Qoray Hadii la Naqdiyo Uu Keeno Ismaandhaaf Ama Doodi ka Dhalato”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qofku Ha Qoro Buug Laakiin Waxa looga Baahan Yahay Inuu Difaaci karo, Wixii Uu Qoray Hadii la Naqdiyo Uu Keeno Ismaandhaaf Ama Doodi ka Dhalato”Cali Guray.
October 27, 2018 - Written by Editor:

Xirsi hadii uu Axmed Silanyo Oo 80 jir ah bartay uu ku Qiimeeyay Dhawr sanadood Uu wasiir u ahaa Wuu Qaldan yahay waayo Axmed Silaanyo dhawrkii sanadood uu madaxwaynaha ahaa taariikhdiisu way ka dheertahay. Mudadii uu wasiirka u ahaa wuxu ka mid ahaa intii ku xeeraan jirtay een anigu u aqaanay dhibaatooyinka madaxwaynaha. Waxan uga jeeday kuwii odaygu hadii uu waayeelay oo daalay asturi lahaa ee marada ku qaban lahaa ayaa qaawinaya oo u arkay xaaladdiisa fursad u dagatay waanay kaga faa,iidaysteen oo hanti badan oo ummadeed ayay ku boobeen magaciisa ama awoodihiisii madaxwayne-nimo. Xirsi markii uu ka tegayay Axmed Silaanyo waxa laga qoray “waxan ahay afartan jir afartan milyan haysta”

cali-guray

buuga xirsi

Qofku ha qoro buug laakiin waxa looga baahan yahay inuu difaaci karo wixii uu qoray hadii la naqdiyo uu keeno ismaandhaaf ama doodi ka dhalato. Marka uu qofku hadlayo runba ha sheego eh iyo marka uu runtii buug ku qorayo isku mid maaha waayo buugu maaha hadal mar la yidhi oo halkii lagaga hadhayo ee wuxu noqonayaa dhigaal weligii oolaanaya. Markaa buugan Xirsi maan akhriyin laakiin waan iska fahmi karaa in sua’aalo badani ay ka dhalan doonaan waxa uu qoray iyo waxay uu qariyay ee isaga khuseeya.

 

Qalinkii Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray)

COMMENTS
LINKS