Qof Rayid Ah oo Lugu Dilay Magaalada Boosaaso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qof Rayid Ah oo Lugu Dilay Magaalada Boosaaso
October 3, 2018 - Written by Reporter:

Boosaaso (WJN)-   Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeryooday toogasho ka dhacday magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Dablay aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen Saciid oo ku magac dheeraa Ina Maqadeeye, waxa uuna ahaa madaxii iskaashatada gaadiidlayda Isgoyska Xalwo Banaadir ee magaalada Boosaaso.

Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo dilkan looga hadlay, sidoo kale waxaa markiiba goobtii ay toogashadu ka dhacday ka baxsadey kooxda fulisay dilka.

Ciidamadda ammaanka magaalada Boosaaso ayaa goobta gaadhay, iyadoo ay ka sameeyeeyn howl galo, kaasi oo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan, balse warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya kooxda Daacish inay sheegatay dilkan oo ku soo beegmaya xilli toddobadyadii u dambeeyay ay magaalada Boosaaso ka dhacayeen dilal dhowr ah,iyadoo labo habeen ka hor saddex nin oo ka soo jeedda dalka Itoobiya lugu dilay magaalada Boosaaso.

 

COMMENTS
LINKS