Qodobo Ka Soo Baxay Shirweynihii Lagaga Hadleyay Guulihii Somaliland Ay Gaadhay 27 Sano ee La Soo Dhaafay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qodobo Ka Soo Baxay Shirweynihii Lagaga Hadleyay Guulihii Somaliland Ay Gaadhay 27 Sano ee La Soo Dhaafay
October 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Shirweynihii lagaga doodayay horumarka iyo caqabadaha hortaagan Somaliland 27 sano ee la soo dhaafay ee ka socday magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Shirkan labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Hargeysa islamarkaana ay ka soo qayb galay wafuud ka kala socota wadamada caalamka, Wadamada jaarka la ah Somaliland iyo Siyaasiyiin reer Somaliland ah ayaa waxaa laga soo saaray qodobo la xidhiidha guulihii Somaliland ay gaadhay 27kaa sanadood.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS