QM: Iiraan Waa Marinka Cusub ee Dhuxusha Soomaaliya ee Ay Cashuuraan Al Shabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QM: Iiraan Waa Marinka Cusub ee Dhuxusha Soomaaliya ee Ay Cashuuraan Al Shabaab
October 12, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Warbixin aan wali la shaacin oo ay diyaarisay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Iiraan ay noqotay meel ay kooxda Alshabab u adeegsato iney ka samayso ganacsi malaayiin doolar ah oo ay ku xoogeysato.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo warbixintan heshay ayaa sheegtay in kooxda kormeerka ku sameysay cunaqabateynnada Qaramada Midoobay ee saaran Soomaaliya ay macluumaad ka soo saareen arrimaha la xidhiidha dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo gobollo ka mid ah Soomaaliya.

Qodobbada ugu waaweyn ee ku xusan warbixintan ayaa waxaa ka mid ah:

– In Al Shabaab ay jirintaankeeda ku xoojiso ganacsi iyo cashuuro.

– In Habka ay kooxda xagjirka ah u qaaddo cashuuraha uu ka hannaan wanaagsanyahay midka dowladda Soomaaliya.

– In Dhuxusha loo ekeysiiyo “alaab ka timid Iiraan”.

“Shabakado dambiileyaal ah ayaa dalka Iiraan u adeegsada iney sii mariyaan dhuxusha sharci darrada ah ee laga dhoofiyo Soomaaliya, taasoo lacago malaayiin Doollar ah ay ka macaashto kooxda mintidka ah ee Al Shabaab” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ganacsigaas uu sannad walba ka soo xaroodo dhaqaale fara badan, kaasoo loo qaado cashuur ahaan.

Dhuxul loo diyaariyey in la dhoofiyo

Kooxdan xidhiidhka la leh shabakadda Al Qaacidda ayaa hab u dajisay hannaanka cashuur qaadista, kaasoo ka heer sarreeya habka ay cashuuraha u uruuriso xukuumadda federaalka Soomaalia, sida lagu qoray warbixinta aan wali la shaacinin ee ay soo heshay Reuters.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in tan iyo bishii March ay Iiraan ahayd dekedda ugu weyn ee la mariyo badeecooyinkaas oo lagu qaado maraakiib heysta shahaadooyin been abuur ah oo laga kala leeyahay dalalka Comoros, Ivory Coast iyo Ghana.

Ka dib marka la geeyo Iiraan ayaa dib loogu xareeyaa baakado uu ku sawiran yahay calanka Iiraan, ayna ku yaallaan qoraallo muujinaya in badeecada laga leeyahay waddankaas.

Sida lagu faah-faahiyay warbixinta, dhuxusha oo markaas si toos ah loogu qaado in Iiraan ay leedahay ayaa maraakiib loogu qaadaa dekedda Al Hamriya ee ku taalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

“Iran ayaa hadda marin cusub u noqotay ganacsiga noocaasi ah – waxayna tallaabadaas xad gudub ku tahay go’aankii ay Qaramada Midoobay ku mamnuucday in la dhoofiyo Dhuxusho Soomaaliya” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in marinkan cusub uu soo shaac baxay ka dib markii dowladda Cumaan ay aad u adkeysay kormeerka ay ku sameyso badeecooyinka la sii mariyo dekedaheeda.

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Iiraan ayaan dhag jalaq u siinin walaacyo ku saabsan in dalalkooda loo adeegsado ganacsiga dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo ay u gudbiyeen kormeerayaasha Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynnada saaran Soomaaliya iyo Eritrea, sida lagu qeexay qoraalka.

Lacagta sannadkii gudaha Imaaraadka carabta uga soo xaroota ganacsiga dhuxushaas ayay warbixintu ku qiyaastay 150 malyan oo doolar.

Dhuxushaas ayaa inta badan loo adeegsadaa in wax lagu karsado iyo in loo adeegsado cabista shiishadda iyo waxyaabo kale.

Sannadkii la soo dhaafay gudihiisa ayaa imaaraadka loo dhoofiyay qiyaastii saddex malyan oo kartoon, oo ay ku jirto dhuxul.

“Ganacsiga dhuxushu wuxuu kaalin weyn ka qaataa dakhliga soo gala Al Shabaab , waxayna kooxdu cashuur ahaan uga uruurisaa lacag dhan 7.5 malyan oo doollar” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Lana Nusseibeh oo ah Danjiraha Imaaraadka carabta u qaabilsan xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay ineysan arrintan ka hadli karin, maadaama aan warbixinta wali si rasmi ah loo shaacinin.

“Warkaas waa la yidhi, Dowladda Imaaraadka Carabta si buuxda ayay uga warqabtaa qaraarrada golaha ammaanka, si buuxda ayayna u taageersan tahay dhammaan cunaqabateynnada”, ayay ku tidhi Reuters.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tidhi “waxaan mar kale xaqiijineynaa inaan sii wadeyno wada shaqeynta aan la sameyno kooxda kormeerka, ilaa inta ay howshooda socoto”.

Diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan Qaramada Midoobay ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa iney arrintan ka hadlaan.

Hababka uu kooxda Al shabab dhaqaalaha ku soo galo.

Marka laga soo tago ganacsiga dhuxusha, Al shabaab ayaa lacago cashuuro ah ka qaadda gaadiidka isticmaala goobaha ay gacanta ku hayaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Barta koontarool ee ay kooxdaas leedahay ee ugu weyn ayaa qiyaastii 160 kiilo mitir dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobtaas oo lagu istaajiyo gaadiidka ayey Reuters sheegtay iney ku taallo waddada isku xidha magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Laga billaabo bishii October ee sannadkii 2014-kii ilaa bishii Maarch ee sannadkan 2018-ka ayay kooxdu sidoo kale lacago badan oo cashuuro ah ka uruurisay meelo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Cunaqabateynta Dhuxusha iyo Hubka.

Sannadkii 2012-kii ayuu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay mamnuucay in la dhoofiyo dhuxusha Soomaaliya, si loo hor istaago in ganacsiga noocaas ah uu dhaqaale soo galiyo kooxda Al Shabaab oo gacan saar la leh ururka Al Qaacida.

Sannadkii 1992-kii ayuu hore golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay cunaqabateyn dhinaca hubka ah ku soo rogay Soomaaliya, taasoo looga gol lahaa in lagu yareeyo saameynta dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka billowday wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad barre.

Hase ahaatee mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda si joogto ah u dalbada in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka, si awood loogu yeesho dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wali gacanta ku heysa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya.

 

SOURCE: BBC SOMALI

WAJAALENEWS .NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS