“Qabyaalada Qaan-Gaadhay Iyo Xayndaabka Qabiil Xil Ku Qaybsiga Xillimaymu Ka Xoroobi”W/Q: Fadxi Garaad Ciise. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qabyaalada Qaan-Gaadhay Iyo Xayndaabka Qabiil Xil Ku Qaybsiga Xillimaymu Ka Xoroobi”W/Q: Fadxi Garaad Ciise.
October 21, 2018 - Written by Editor:

Jeer aynu xididada u siibno, Xadhkaha U furro, xaglahana u laabno, kana xorowno xayndaabka qabiil xil ku qaybsiga, xilalka kuraaseed ee qaranka, qaranimadeenu xalaal noqon mayso’, sideedaba somalidu waxay ku wada caano-cabtaa kuna cad-qaybsataa qudhun huwan qashaabiir oo qabyaalad lagu ismo, Qabyaaladu Waxay Inagu Noqotay Cudur Kansala, Oo Aynaan Ka dawoobin.

fadxi Garaad

Inta qoqobka qabaylisiga iyo is-qolaysigu qamaashlaynayo geyiga qaranimadeenu qaan-gaadhimayso.

tan iyo intii aynu bud-dhignay somalilnad waxaa masuul kastaa oo qaranka maamulaa ku cuganayey ashkaasta Uu xilka la majeerto Qaranka inay la hogaamiyaan, qabiil,ree-hebalayn, iyo reero-reerayn,iyadoo hadal daciif iyo dacfi ah, loogu qiil-doono qawlaysigaa Qaawan, kaa soo ah, Somaliland madaxtinimadeedu waa muraayada layska arko hadii reer waliba iska arki waayo, muraayadaa waa caddaalada darro, waxaana Dhaliil wadareed Dhakada laga huwinayaa Masuulka. waana ta mijo-xaabisay, ee macanaastay horumarkii dalkeena, hadii lagu cugan lahaa maamulka dalka iyo madaxda cilmi,iyo caqliyad, waxaynu ka umulin lahayn foosha ictiraaf ee dalkeena ku taagan, rubuc qarniga, sidoo kale waxaynu miciyaha u siibi lahayn macaluusha, Waxaynu baratan iyo Bun-tirsi la geli lahayn Wadamada Dunida Ee Horumarka Gaadhay.

Ka Somaliland, ahaan Hadalka huna-hunaynta iyo hutaaleynta ah’ ee halgankii halaag la dirirka ahaa, lagu naqsado anagaa halganka u hormo iyo haldoor badnayn, ee aanu Hogaamino Dalka Markayaga, ee reer hebel Markayaga Hanoo-daayaan, ayaa ah, qaan-sheegashada qarankan quusta ka taagtay horumarka, hadaba ogaada dalkeena Somaliland qabiil-waliba qoriga u qaaday qorfe iyo qalanqalna u soo seexay, si uu qarankiisu rejiimkii ugu jirrid gooyo Waxaa qaranimadeenii dhiiga ka miiratay qabyaalad.

“Tusaale tilmaam barkan”

Sideedaba qabyaaladu waa labo-qaybood waa:

  • – qabyaalad-qoomiya
  • – qabyaalad-qabaliya

Hadaba inagu ka Somali ahaan waxaynu nahay issir, keliya oo ku farac-aroora isim-qoomiyadeedka Somali, oo ah hal-qoomiyadoo-qudha, laakiin qabiil-hoosaado u sii qaybsama, qo-qobkuna qabiil hoosaadkaasuu ka biyaystaa waysadiisa,qabyaaladeed.

Gef Alle, Gobonomo-darro, Gunnimo, waxaa inoogu filan Takoorka baahsan ee beel-weynta Gabooyaha aynu ku hayno, Gelin-La tacaamilkooda, Guurkooda, iyo garabaysigoodaba.

Hadaba waxaa jira wadamo iyago qabyaalad qoomiyadeed ka jiraan oo tobanaan iyo tiriyooyin ka badani oo qoomiyada ahi ku nool, oo is Qoomiyadaysiga Qaranimadooda ka Hor mariya, Halka aynu Inagu Is qabiilaysiga ka hor marino Qaranimadeena.

  • – qabyaalada Qoomiga Ah’

tusaalaha ugu wnaagsan iyo tilmaanta ugu fiican ee aynu farta ku godi karnaana waa dalka Rwanda ee qaaradeena afrika, waa mid aan la cabri Karin colaadii, qoomiyadeed ee dalkaasi, fooda la galay sagaashamaadkii, malaayiinka Qof la qudh-bexeen, micno darrada-qabyaalad qoomiyadeedkii, hutuuga iyo tuutsi, xabaalo- haleeli waagii, Xasuuq -Wadareedkii, iyo Issir sifayntii, ka dhacday Dalkaasi, hadana manta waa wadamada qaarada afrika ugu horeeya ee safka hore kaga jira, kobaca, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, horumareed, ammaan, caafimaad, waxbarasho, isku duubni,wax-wada qabsi, dhisme-wanaag, wax-soosaar, ee ugu horeeya afrika. Qabyaaladii qudhunsatay ee qudhgooyo-wadareedka qoobka u gelisay dadka dalkaasi waxay ku suuliyeen,

1- Ku xukumid xabsi dheer oo sanaawaada iyo ganaax buuran, oo aan saamaxaaad lahayn, qofkii lagu maqlo magacyada hutuu iyo tuutsi

2- Ka fogaanshaha hadalada kala irdhaynta ee bulshada,ee qabyaalada ah.

3- Qabashada xilalka kuraaseed , iyadoo aan loo egayn qoomiyada uu yahay ee la qiimaynayo Qofka Cilmigiisa iyo caqligiisa.

  • – Qabyaalada Qabali ah’

Ha fogaanin Ee tusaale Dhow U soo qaado Somaliya ??, Dawladii somaliya isla markaana Siyaad uu hogaanka u hayey waxaa la is ku muwaafiqay in Ay ahayd Dawladihii Somaliya Ka Curtay Tii Ugu Saamaynta badnayd, Uguna tayada iyo Taranta badnayd, Se Nasiib Xumo Dawladii Awoodeeda Dhaqaale, Iyo Ciidanba Ku faaftay kuna fiday Dunida, Waxaa Mar-Qudha Jilbaha dhulka Ugu dhufatay oo Miyirtiraha Gooysay Qabyaalad Qabali Ah’ Taasoo Ay Gaadhay In Laysku Qori-Qaatay Qabiiladii Somalidu Iyagoo Qaybo u kala Jabay Waxaana Dilaacay Jabhado, Halkaas Ayaana Mar-qudha Dambaska laga dhigay Dawladii iyo Dalkii waxaana Daadka la raaciyey Midnimadii Iyo isku duubnidii somalinimo.

Waxaana Ka dhacday, Fakad, Firxad, Qaxtooyo, Qaxoontimo, Qaran-dumin, Magan-gelyo Raadin Maato iyo Maxas, Kala Irdhow, Kala Yaac Lugtaa haku Furato ah, Waxaana Dadkii Somalida Ku dhacay Kala Fogaanshiyo iyo Nacayb Qabyaaladu-Umushay, oo weli ka taagan.

Ilamaa iyo Hillaadan Somaliya Kama Soo doogin, Fallaadhii Qabyaaladu ku Gantay ee Adhaxda iyo Afweynta Kala Wiiqday,

Welina somaliya Waa Qabyo, Qabyaaladina Kama Suulin, Qaranimana kama Hir-gelin oo Qabyaalada Ayaa mar kasta Shiiqinaysa Qaranimada

Cont Aqoonyahanfadxi@gmail.com or 252 63 400631

Facebook … Fadxi Greenford

COMMENTS
LINKS