Prof, Cabdisalaan Yaasiin oo Si Adag Uga Hadley Madaxtooyada Cusub ee Ay Dhisayso Xukuumada Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof, Cabdisalaan Yaasiin oo Si Adag Uga Hadley Madaxtooyada Cusub ee Ay Dhisayso Xukuumada Muuse Biixi
October 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Prof, Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga Somaliland ayaa waxa uu si adag uga hadley Madaxtooyada cusub ee xukuumadu dhisayso, Jabhada Kornayl Caarre, iyo khilaafka cakiran ee ka dhex aloonsan xukuumada iyo asxaabta mucaaridka ee ku aadan qabsoomida doorashooyinka iyo Wakiilada.

Prof, Cabdisalaan Yaasiin ayaa waxa uu xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in ay tanasul badan ka muujiso arimaha doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay, Isagoo ugu baaqay xukuumada in ay qaadato qodobada ay soo jeediyeen labada xisbi mucaarid.

Sidoo kale Prof, Cabdisalaan Yaasiin ayaa waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliiley dhismaha madaxtooyada cusub ee ay xukuumadu wado, Isagoo sheegay in aanay suurta gal ahayn wakhtigan in Madaxtooyo cusub la dhiso iyadoo ay dalka ka jiraan duruufo adagi, Waxaanu xukuumada u soo jeediyay in lacagta ay ku kharash garaynayso madaxtooyada cusub ay ku fuliso adeegyada aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadley tabashada uu tirsanayo Kornayl Caarre waxaana uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in uu gogol nabadeed u fidiyo islamarkaasna uu aqbalo tabashada ay ka tirsanayaan arrimaha Ciidamada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS