“Ninba Tiisa Suuree; Tayda Iyo Ta Maxamed Xaashina Kala Fogaa”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ninba Tiisa Suuree; Tayda Iyo Ta Maxamed Xaashina Kala Fogaa”Cali Guray.
October 15, 2018 - Written by Editor:

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlaya sida loo xaqiijin karo gooni-isu-taaga Somaliland ayaan dhegaystay. Aragtida Maxamed Xaashi markaan eegay aniga taydu way ka duwan tahay. Isagu wuxu qabaa in Somaliland wixii la yeelay sodon sanadood ka hor ay tahay in dunida loo bandhigo oo loo cadeeyo in aynaan kuwii ina dilay waa sida uu hadalka u dhigaye aynaan waxba isugu iman karin wadahadalna lala geli karin.

cali-guray

Maxamed Xaashi

Horta hadii dunida ay ku filan tahay in dad lagu sameeyay xasuuq iyo kuwii ku sameeyay aanay waxba isugu iman karin hada wixii Ruwanda ka dhacay kamay dhicin xageena hadana waa dawlad keliya. Suuriya hubka lagu garaacayo iyo kii lagu garaacay Hargeysana isu eeg. Mig 17&19 iyo Hawkar Hunter oo maalmo xadidan Iyo goobo xadidan ahaa ayaa Hargeysa Iyo agagaarkeeda lagu garaacay. Khasaaraha duqayntii dhinaca cirkuna tan ugu yarayd bay ahayd marka loo eego khasaarihii madaaficda iyo Mortarka garbo siman loo soo dhigay xeryhii ciidamada ee koonfurta Hargeysa may geysanin dayuuradaha ay dadka qaar kaga dhigtay “dayuuradaa la nagu garaacay”. Waxa ka badanaa kun goor dadkii rayidka ahaa ee iyagoon waxba gaalabsan la isku xidhxidhay ee sabab la’aanta lagu xasuuqay. Wixii dhacay dunida in badan baa ka dheregsan oo in badan iyo marar badan baynu sheegnay oo tan iyo 1991kii waynu sheegaynay oo lahayn “WAA LANA XASUUQAY”, taasina keligeed waxba ma soo kordhin karto.

Anigu dhan kale Ayaan wax ka eegaa oo kow marka hore ah dhinaca sharciyadda caalamiga ah oo waxan taaganahay yaa xaq u leh inay ka taliso masiirka Somaliland? waan sua’aasha aan qabo in wax waliba ku xidhan yihiin jawaabteeda. Laakiin nasiib darro wadahadalada ama kala hadalada midi midi ku taag iyo i jiid aan ku jiido ah ee Somaliland iyo Somaliya marna kuwa Somaliland metalaa badka may soo dhigin ee waxyaabo kale ayaa lagu warwareejiyaa waxa la isku haysto ee Somaliya aynu isku diidanahayna waa jawaabta sua’aashan oo aan anigu qabo in shacbiga Somaliland oo keli ahi ay xaq u leeyihiin Inay ka taliyaan maasiirka Somaliland, halka dhinaca kale (Somalia) ilaa hadda ay taasi diidan yihiin. Marka la helo dhinac sadexaad oo dhex ah oo bal ka garqaada yaa sax ah yaa qaldan Somaliland iyada ayaa ku gar helaysa oo lixdankiiba cid qasabtay may jirin ee dadka Somaliland iyaga ayaa keligood iska lahaa go’aankii ay Somaliland kula midowday Somalia iyagoon weliba aan wax shuruudo ah ku xidhin.

Markaa hadalku isaga ayaa iska badan madaxda Somalilandna cidlo iyo qardajeex bay hayeen inta aanay arinka halkaa ka qabanin een marka hore lagu kala bixin HORTA YAA XAQ U LEH INAY KA TALISO AAYAHA SOMALILAND, wixii kale ey ku warwareeganba waa u bilaash iyo wakhti lumis. Muqdisho marka arintaa lagaga gar helo difaaca labaad ee hadana ay dib ugu guran doonaan waa mid ay gar u leeyihiin oo waxy odhan “dadka Somaliland way afduuban yihiine midnimada way ogol yihiin intooda badani. Madaxda Somaliland ayaa iyaguna ku adkaysan doona maaha 97% dada Somaliland waxay u codeeyeen dastuurka taasi marka la garnaqsado Somaliland ku gar heli mayso ee waxay noqon in la isla ogolaado ugu dambaysta afti kale oo qaramada midoobay ay goobjoog ka tahay in laga qaado dadka Somaliland.

Marka ay maadi jogtaa hadaba waa markaa oo hadii Somaliland oo xaalkeedu sidan yahay oo midnimadeedii qaran burbursan tahay, oo sida ay waxy wada yeelanayso aan heshiis ku ahayn, hadii ay tahay awood-qaybsiga iyo khayraadka sida loo wada yeelanayo, weliba ay dhexdeeda is dulmayso oo cadaal darro la kala tirsanayo markaa arimahaas oo dhami waxay hiil u noqon doonaan dhinaca Somalya markaa si loo kala badnaan doonaba Allahu yaclam.

Somaliland gona-isu-taageedu keliya waxa lagu xaqiijin karaa inta goor goor tahay in si dab ah loo dhamaystiro xallinta arimaha la isku maandhaafsan yahay hadii aan si saraaxad ah loo wada hadlinna la helimaayo midnimo qaran oo loo wada dhan yahay.

Ugu dambaystii anigu sida aan qabo ha dheeraato ha dhawaato dada Somaliland oon laga qadin afti ay qaramada midoobay goobjoog ka tahay ictiraaf ka horeeya oo la helayaa ma jiro. Haddii afti la qaado lafteedana sida loo kala badan karaa waxay ku xidhan tahay arimo badan. Hadii aan su,a’aal saaro waa la ila yaabi doonaa oo in badan baa iyagu mar kasta go’aankoodu yahay wax aan la is barbar dhigi karin ee dadku 70% ugu yaraan ay gooni-isu-taaga taageeri doonaan wax kasta oy dhexdooda isku hayaanba oo iyaga sida kale lafteeda Inay wax u dhici karaanba aanay xisaabta ugu jirin.

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Caligurey)

COMMENTS
LINKS