Muxuu Noqon Karaa Meqaamka Sharciyeed ee Hal-abuurka Ganacsi amaba [Shirkad Weel u Noqon Karta] Hirgelinta Wejiga 1aad ee Ballaadhinta Dekadda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Noqon Karaa Meqaamka Sharciyeed ee Hal-abuurka Ganacsi amaba [Shirkad Weel u Noqon Karta] Hirgelinta Wejiga 1aad ee Ballaadhinta Dekadda Berbera
October 23, 2018 - Written by Reporter:

Aasaaska nidaamka iyo qaab-dhismeedka hal-abuurka ganacsi ee u noqon kara weel sharciyeed oo lagu hirgeliyo maalgelinta Dekadda Berbera. Marka u horreysa waxa is-weydiin mudan ujeeddooyinka uu hal-abuurkaasi yeelan karo, kaas oo kala ah:

  1. Hagista marin-badeedka caalamiga ah ee ku soo xidhan kara ama ka bixi kara aag-badeedka Dekadda Berbera.
  2. Ka-midho-dhallinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland u adeegi kara oo ay u horreyso Dekadda Berbera iyo jidadka ka baxa.
  3. Isticmaalka adeegyada la xidhiidha gaadiidka badda, hawlaha maraakiibta iyo socdaalka badeecadaha ee ay si soo jireen ah Dekadda Berbera horeba ugu caan-baxday.

Haddaba, markaynu ku dabaqno ujeeddooyinkaas maalgelinta DP World, waxa halkaas innooga soo baxaya sidatan:

  1. b) Gashi ama maalgelin toos ah oo la xidhiidha hanashada marin-badeedka caalamiga ah ee aynu soo xusnay.
  2. t) Mid la mid ah oo toos ah oo la xidhiidha ka-midho-dhallinta kaabayaasha dhaqaale eek u xidhan Dekadda Berbera iyo
  3. j) Maalgelin aan toos ahayn oo ku wajahan isticmaalka Dekadda Berbera iyo adeegyadeeda.

Labada qodob (b & t) ee tooska ah oo ay u xilsaaran yihiin DP World iyo Somaliland, halka ka saddexaad (j) oo khuseeya gacanta saddexaad oo ah dalka Ethiopia, waanna sababta ay kadimadaha iyo xaymaha DP World iyo Somaliland ay uga badan yihiin xaynta Ethiopia oo ah ta ugu yar, waxanna ilayaal xog-ogaal ahi tibaaxayaan inay waddarta gashiyada maalgelintu ay u sooran tahay sidantan:

DP World: 62%

Somaliland: 24%

Ethiopia: 14%

Markaynu ku dabaqno saami-soorkaas aynu soo sheegnay wadarta tirada maalgelinta ee wejiga koowaad oo dhan boqol iyo labaatan milyan (120,000,000) waxay noqonaysaa isu-dubaridda gashiyada hal-abuurku sidatan:

#) Wadarta guud ee gashaga boqol iyo labaatan milyan (120,000,000)

#) Qiimaha ugu yar ee gashi oo u dhigma boqolkiiba shan (5%), oo isna u dhigma lix malyan (6,000,000)

Waxaanna qayb weliba ka turjumaysaa awoodda iyo codadka ay kala yeelan karaan saddexda saamilayda ahi, kuwaasoo kala yeelanaya codadkan:

DP World: 12 cod

Somaliland: 5 cod

Ethiopia: 3 cod

Markaynu u gudubno dhinaca hoggaanka iyo awood-qaybsiga waxa iyaduna mudan in la xuso, in aanay xubin ku yeelan karin Broad-ka sare ciddii aan lahayn xayn ka badan boqolkiiba 20%, waanna sababta aanay Ethiopia ugu yeelin karin xubin ku matesha Broad-kaas oo ka kooban: shan (5) xubnood oo ka soo jeeda DP World iyo saddex (3) xubnood oo ka soo jeeda Somaliland.

Markaynu ka gudubno hoggaanka sare ama Broad-ka sare iyo nidaamkaas uu ku salleysan yahay, waxa kale oo shirkadda u adeegaya:

#) Guddiyo maareyn oo ka kooban saddex xubnood oo aan ka mid noqon Karin saamileyda shirkadda oo leh maqaam shaqaale.

#) Unugyo maamul oo kasoo jeeda DP World iyo Somaliland, sida Berbera Port and Free Zone Authority

#) Ilayaal xaruntood tahay Berbera, sida xafiiska Hay’adda Marin-badeedka iyo Adeegga Dekadaha ee Ethiopia (MTS)

#) Xafiisyo ganacsi, sida xafiiska Somaliland ku leedahay Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Isku soo wada duuduuboo, markaynu tafaftir sharciyeed ku sameyno maqaamka sharciyeed ee shirkaddu, waxay noqonaysaa shirkad caalamiya oo wadaag ah oo ku salleysan mataanayn gashi oo leh weji maalgelineed. Sida gashiyada DP World & Somaliland iyo mid ku kooban gashi saamilay ee Ethiopia, isla markaana ka turmujaysa turaabta iyo tiirarka sharciyeed ee ganacsiga caalamiga ah oo ka diiwaangashan, xarunteeduna ay noqonayso Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE). Haseyeeshee, waafaqsan xeerarka, shuruucda iyo awaamiirta la xidhiidha aasaaska shirkadaha ganacsi ee u dajisan Somaliland iyo Ethiopia oo dabcan loo baahan yahay in la waafajiyo  shuruucda aasaaska saami-soorka awood-qaybsiga qaab-dhismeedka iyo nidaamka wareejinta saamiyadda, waanna sababta aan sharciyan ugu qanacsannahay meel-marinta natiijada heshiiska laftiisa iyo shirkadda wadaagga ah ee ayn anwaacdeeda iyo nidaamkeeda aynu kor ku soo xusnay.

 

Garyaqaan Maxamed Axmed Daahir (Maxamed Baxsane)

COMMENTS
LINKS