Muwaadin Soomaali Ah oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Soomaali Ah oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Mareykanka
October 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Maxamed Cabdullaahi oo ah muwaadin Soomaali ah maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka isaga oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka gabadh cadaan oo dhacay 14kii bishan.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xidheen aroornimadii Isiinta Maxamed Cabdullaahi oo 27 sano jir Soomaali ah, waxaana qabashadiisa ay ka dambeysay kadib markii askari uu joojiyay gaadhi uu watay Maxamed.

Booliiska ayaa sheegay in ay is waafaqeen kaddib wareysi ay la yeesheen eedeysanaha warbixinta uu bixiyay iyo calaamadaha ku yaalla jidhka gabadha meydka ah.

Gabadhan ayaa hore loogu soo eedeeyay in dhawr mar sidan oo kale jidhkeeda uga ganacsatay, balse booliska ayaa waxa ay baadhitaano ku wadaan dhacaamada ay ka qaadeen meydka gabadhan.

Hay’adda Care oo u dooda dadka muslimka ah iyo qareenka Maxamed Cabdullaahi ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan, si dadka ay ula wadaagaan halka uu xaalka marayo.

 

COMMENTS
LINKS