Muqdisho: Xus Baroor Diiq Ah oo Ka Socda Isgoyska Soobbe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muqdisho: Xus Baroor Diiq Ah oo Ka Socda Isgoyska Soobbe
October 14, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Magaalada Muqdisho waxa ka socoda xus baroor diiq ah oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay magaaladaas.

Baroor diiqdan ayaa la qabanayaa maanta oo 14 October oo ah sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii qaraxii lagu hoobtay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Xuska qaraxii Soobbe

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobtii qaraxu ka dhacay, waxaan goobtaa la dhigay sameecado waaweyn oo ayaadaha Qur’aanka Kariim ka ahi ka socdo.

Waxa la filayaa in madaxda dawladda Soomaaliya ay ka qayb galaan ducadaa iyo baroor diiqda goobka ka socota, khudbadona ay halkaa ka jeedin doonaan.

Mudaharaad iyo baroor diiq is huwanKhudbado laga jeedinayo goobta baroor diiqdu ka socoto

COMMENTS
LINKS